Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Rwanda iyo Uganda oo soo afjaray xiisaddii u dhexeysay
    Somalia

    Rwanda iyo Uganda oo soo afjaray xiisaddii u dhexeysay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 28, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Masuuliyiinta Rwanda,ayaa saaka oo Jimcaha ah sheegay inay dib u furi doonaan xuduudda ay la wadaagaan Uganda, taas oo soo afjaraysa ku dhawaad saddex sano oo is-mariwaa ah oo u muuqday mid dhaawacay dhaqaalaha labada dal, isla markaana sare u qaaday cabsida laga qabo isku dhacyo hubeysan.

    Ku dhawaaqistan,ayaa timid kadib muddo ay diblomadsiyad ahaan kala aamusnaayeen labada dal, iyada oo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu Rwanda u diray ergo uu ku jiro wiilkiisa Lt. Gen. Muhoozi Kainerugaba, si ay wadaxaajood ula galaan dhiggiisa Rwanda Paul Kagame.

    Kainerugaba, oo ah taliyaha ciidamada lugta ee Uganda, ayaa ku sugnaa Rwanda Sabtidii. Horraantii toddobaadkan Museveni ayaa isbedello muhiim ah ku sameeyay laamihiisa amniga, isagoo xilka ka qaaday taliyihii sirdoonka militariga oo ay Rwanda si joogta ah u dhaleeceysay. Talaabadan ayaa u muuqata inay saamaysay Rwanda.

    Rwanda ayaa markii ugu horreysay xirtay marinka mashquulka badan ee xadka Gatuna bishii Febraayo 2019, waxaana wadahadalladii xigay ee ay dhexdhexaadinayeen Angola iyo Congo noqdeen kuwa lagu guuldareystay in lagu xalliyo khilaafka, taas oo Uganda ku khasabtay in ay si gaar ah ula xaajooto Rwanda.

    Dowladda Rwanda ayaa sheegtay in xadka u dhexeeya labada dal uu si rasmi ah dib ugu furmi doono Isniinta. War saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay inay ka go’an tahay Rwanda inay si wanaagsan uga qayb qaadan doonto sidii caadiga ahayd ee xiriirka labada dal.

    Dib u furista iyo soo celinta xiriirka ayaa farxad gelin doonta labada dal ee Rwanda iyo Uganda kadib sanado badan oo dhibaato ay ku qabeen ganacsiyadii suuqdayada ee lumay iyo fursada kale.Uganda, ayaa loo diiday suuq weyn oo ay wax soo saarkeeda u beec geyn jirtay, waxayna u muuqatay inay luminaysay heerkii ugu sarreeyay waxa ay ugu yeertay cunaqabatayn ganacsi. Gudaha Rwanda xayiraadda xadka ayaa ugu dambayntii kiciyay qiimaha cuntada la qalajiyey.

    AP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.