Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Saxaafada Turkiga oo wajahaysa cadaadis xoog badan
    Somalia

    Saxaafada Turkiga oo wajahaysa cadaadis xoog badan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 29, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa Sabtida maanta ugu hanjabay warbaahinta Turkey in ay aargoosi la kulmi doonaan haddii ay faafiyaan warar dhaawacaya qiyamka asaasiga ah ee Turkey, tallaabadaasi oo ay suurtagal tahay in ay horudhac u tahay faafreeb dheeri ah oo ay warbaahintu wajahaan.

    Qoraal uu daabacay wargeyska rasmiga ah ee Gazette ayuu ku sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin lagu ilaalinayo “dhaqanka qaran” ee Turkey, islamarkaana laga hortago in ubadku ay ku barbaaraan “in ay si xun u saameyaan warbixinnada waxyeellada leh ee dhammaan warbaahinta qoraalka, tan maqalka iyo tan muuqaalkaba.”

    Erdogan ayaan carrabaabin waxa ay yihiin warbixinnadaasi, laakin waxa uu tilmaamay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono “ficillada la ogyahay ama kuwa qarsoon ee loo adeegsado warbaahinta kuwaasi oo looga dan leeyahay in lagu waxyeeleeyo qiyamka qarankeena iyo akhlaaqdeena, laguna khalkhalgeliyo hab dhismeedka qoysaskeenna iyo bulshadeena.”

    Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay u dhaqaaqay in uu kordhiyo xakameynta warbaahinta, iyadoo ku dhawaad 90% warbaahinta waaweyn ee dalkaasi ay hadda leedahay dowladda ama ay lee yihiin shakhsiyaad ku dhow dowladda.

    Xulafadeeda reer galbeedka iyo kuwa dhaleeceeya ayaa sheegay in Erdogan uu u isticmaalayay afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii, si uu u aamusiyo kuwa isaga ka soo horjeeda, meeshana uga saaro xuquuqda bulshada.

    Dawladda ayaa beenisay dhaleeceyntaasi, waxayna sheegtay in tallaabooyinka la qaaday ay yihiin kuwo lagama maarmaan ah oo ay keentay hanjabaadaha uu Turkigu wajahayao, waxayna sheegtay in ay dib u soo celisay xorriyadda diinta ee jamhruuiyaddan mar ahaan jirtay dowlad cilmaani ah.

    REUTERS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    October 28, 2025

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    October 28, 2025

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    October 28, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.