Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Abiy oo kula kulmaya Imaaraadka Madaxweynaha Srael
    Somalia

    Abiy oo kula kulmaya Imaaraadka Madaxweynaha Srael

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 30, 2022Updated:January 30, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Sabtidii booqasho ku tagay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo uu weli socdo dagaalka uu dalkiisa kula jiro TPLF, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha dhaxal sugaha awoodda badan ee Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

    Dagaalka Tigray ayaa socday ilaa bishii Nofembar 2020, wuxuuna dagaalku is beddelay toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo ciidamada Tigraygu ay dib ugu gurteen gobolkooda kadib markii ay isku dayeen inay ku sii socdaan caasimadda Addis Ababa, waxaana militariga Itoobiya ay sheegeen inaysan sii baacsan doonin, iyadoo taasi waddada u furtay dadaallo dhexdhexaadin cusub ah oo ay wadaan Maraykanka iyo Midowga Afrika, iyada dhinaca kale gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimado ee gobolka Tiigray ay tahay yool muhiim ah.

    Dowladda Itoobiya ayaa isku dayday inay xaddiddo wararka dagaalka waxayna xirtay qaar ka mid ah saxafiyiinta, kuwaas oo uu ka mid ahaa muuqaal-duubaha AP Amir Aman Kiyaro, iyada oo adeegsaneysay xaaladdii degdeg ee dalka la galiyay.

    Khubarada ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Itoobiya ay u muuqdaan in lagu xoojiyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay kasoo iibsatay Shiinaha, Turkiga iyo Imaaraadka.

    Dhinaca kale, madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa booqashadii ugu horreysay ugu ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Axaddii, sida uu sheegay xafiiskiisa, isagoo doonaya inuu xoojiyo xiriirka Khaliijka, xilli xiisadda gobolka ay sii xumaaneyso, iyadoo quwadaha adduunka ay isku dayayaan inay soo nooleeyaan heshiiskii Nukliyeerka ee Iran.

    “Waxaan la kulmi doonaa hoggaanka Isutagga Imaaraadka Carabta, anigoo martiqaad shakhsi ah ka helay Sheikh Mohammed bin Zayed, oo ah dhaxal-sugaha Boqortooyada,” ayuu yiri Herzog.

    Imaaraadka, oo ay weheliso Bahrain, ayaa heshiisyo caadi ah oo Maraykanku dhexdhexaadiyay la saxeexday Israel, iyadoo heshiiskaas oo ka dhacay Aqalka Cad sanadkii 2020 loogu magac daray “Heshiiska Abraham”.

    Labadan waddan ee Khaliijka iyo Israa’iil ayaa wadaagaan welwelka guud ee ku saabsan Iran iyo ciidamada xulafada la ah ee gobolka.

    AP, Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.