Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muxuu yahay meeqaamka sare Ee Mareykanka u aqoonsaday dalka Qatar?
    Somalia

    Muxuu yahay meeqaamka sare Ee Mareykanka u aqoonsaday dalka Qatar?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 1, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in maamulkiisu uu doonayo in uu u aqoonsado dowladda Qatar meeqaamka dal “Xulafo weyn la ah oo ka baxsan NATO “, taasoo u ogolaaneysa in uu xiriir milateri iyo mid ganacsi oo ballaaran uu dhex maro labada dal.

    Biden ayaa si cad u sheegay xilli uu Aqalka Cad wadahadalo kula yeeshay Amiirka Qatar Tamim bin Hamad in tallaabadan ay tahay mid muddo dheer la filayay.

    Biden ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha amniga bariga dhexe, tamarta caalamka iyo taageerada Afqaanistaan.

    Amiirka Qatar ayaa ku tilmaamay wadahadalka uu la yeeshay Biden inuu ahaa mid miro dhal ah, isagoo xusay inay ka wada hadleen horumarka gobolka iyo kan guud ahaan caalamiga ah.

    Labada hogaamiye waxay isla soo qaadeen heshiis aad u ballaaran oo shirkadda Qatar Airways ay ku iibsanayso diyaarada Boeing 777X ku dhawaad ​​20 bilyan oo doolar.

    Qiimaha saamiyada shirkadda Boeing ayaa sare u kacay 5 boqolkiiba ka dib markii lagu dhawaaqay heshiiska.

    Mareykanka ayaa waxaa uu dalka Qatar ku leeyahay saldhig wayn oo ay ciidamadiisa ka hwogalaan.

    Saldhigan ayaa muhiim u ah howglada Mareykanka uu ka fulinayo gobolka bariga dhexe.

    Dalka Qatar ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dalalka ugu galaangalka badan caalamka muddooyiinkii u dambeeyay.

    Dalkan qaniga ku ah Gaaska dabiiciga ah ayaa waxaa uu gacan ka geystay heshiiskii uu Mareykanka uga baxay dalka Afqaanistaan.

    Dalalka Qatar iyo Mareykanka ayaa muddo dheer ahaa saaxibbo aad isugu dhaw islamarkaana iska kaashada arrimo badan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.