Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo udaabulaya Yurub Ciidamo uu kaga difaaco Ruushka
    Somalia

    Maraykanka oo udaabulaya Yurub Ciidamo uu kaga difaaco Ruushka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 3, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mareykanka ayaa u diri doona ku dhawaad 3,000 oo askari oo dheeraad ah dalalka Poland iyo Romania si ay uga difaacaan bariga Yurub dhibaatada ka dhalatay ciidamada tirada badan ee Ruushku soo dhigay xadka Ukraine, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka Arbacadii.

    Ruushka ayaa Arbacadiii beeniyay inuu qorsheynayo inuu duullaan ku qaadayo dalka Ukraine, balse wuxuu muujiyay inaysan wax tanaasul ah sameyn, iyagoo ku jees jeesay Britain, kuna tilmaamay Ra’iisul Wasaare Boris Johnson inuu aad u jahawareersan yahay, siyaasaddiisuna tahay mid β€œdoqonnimo iyo jaahilnimo ah” waa sida ay hadalka u dhigeen Ruushku.

    Moscow ayaa in ka badan 100,000 askari geysay meelo u dhow xudduudaha Ukraine, waxayna sheegtay inay qaadi karto tillaabooyin militeri oo aan la cayimin haddii aan la fulin dalabaadkeeda, oo ay ku jirto ballan-qaadka NATO ee ah inaysan marnaba aqbalin xubinnimada Kyiv.

    Ciiamada Mareykanka ayaa ka bixi doona saldhigyada Vilseck ee dalka Jarmalka iyo Fort Bragg oo ku yaal goblka North Carolina, sida ay xaqiijisay wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, waxaana ciidamadan oo isugu jira kuwa cirka iyo dhulka ay tegi doonaan dalalka Romania iyo Poland.

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dirista ciidamadooda ay waafaqsantahay hadalladii uu u sheegay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin: “Ilaa iyo inta uu si gardarro ah u dhaqmayo, waxaan hubin doonnaa inaan u xaqiijin karno xulafadayada NATO iyo Bariga Yurub inaan halkaas joogno,” ayuu yiri Biden, sida lagu sheegay Twitter-ka.

    Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby, ayaa sheegay in ujeedadu tahay in digniin adag loo diro madaxweynaha Ruushak Vladmir Putin, wuxuuna sheegay inay caddeynayaan in Mareykanku diyaar u yahay difaaca NATO.

    Dadaallada lagu doonayo in xal diblomaasiyadeed la gaaro ayaa sii socda, waxaana madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan lagu wadaa inuu booqdo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky, halka Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz uu sheegay inuu Putin kula kulmi doono Moscow dhawaan.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    October 28, 2025

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    October 28, 2025

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    October 28, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.