Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ruushka iyo Shiinaha oo ushiraya Maraykanka
    Somalia

    Ruushka iyo Shiinaha oo ushiraya Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 4, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Labada madaxweyne ee Shiinaha iyo Ruushka, Xi Jinping iyo Vladimir Putin ayaa kulmaya Jimcaha maanta ah, ka hor furitaanka ciyaaraha Olympic-ga 2022 ee magaalada Beijing. Kulankan ayaa la filayaa in loo muujiyo in labada dhinac ay u midaysan yihiin xiriirka aan deganayn ee labada dal mid walbaa la leeyahay Maraykanka.

    In kasta oo Ruushka iyo Shiinuhu aanay xulufo hore ahayn, haddana labada dal ayaa sanadihii u dambeeyey isku soo dhawaaday si ay iskaga kaashaadaan raadka Maraykanka.

    Shiinaha ayaa si cad u muujiya taageeradiisa Ruushka, xitaa xilli uu Ruushku soo dhoobay tiro ka badan 100 kun oo askari xuduudda uu la wadaago Ukraine, arrintaas oo keentay cabsi dagaal.

    Ruushka ayaa ka dalbaday Ukraine in aanay ku biirin NATO, waxaana uu doonayaa in NATO ay ciidankeeda kala baxdo Yurubta Bari.

    Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in is-kaashiga Ruushka iyo Shiinuhu uu Maraykanka ku adkeyn karo inuu ciqaabo Ruushka, haddii Ruushku uu ku duullo Ukraine.

    Cadaawadda Maraykanka iyo Ruushka oo sii korortaa waxay Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ka weecinaysaa ishii uu ku hayey Shiinaha oo uu horay u sheegay inuu yahay qoddobkiisa ugu weyn ee siyaasadda arrimaha dibadda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.