Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hoos Udhac weyn oo soo wajahay Shirkada Facbook
    Somalia

    Hoos Udhac weyn oo soo wajahay Shirkada Facbook

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 5, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Milkiilaha Facebook ayaa wajahay hoos u dhac weyn oo ah dhanka suuqa saamiyada waxa uu khasaaray in ka badan $230 bilyan oo dolar, taasoo ah khasaare rikoor ah oo ay khasaarto shirkad Mareykan ah.

    Meta ayaa sidoo kale sheegtay in isticmaaleyaasha Facebook ee firfircoon ee maalinlaha ah ay hoos u dhaceen markii ugu horreysay taariikhda muddo 18-sano ah.

    Mark Zuckerberg ayaa u sheegay shaqaalaha in laga yaabo inuu ooyo sababtoo ah isha ayuu xoqday saacado yar ka dib markii shirkadiisu ay gashay khasaarahaasi.

    Tirokoobyo cusub, oo la sii daayay iyada oo qayb ka ah natiijooyinka dhaqaale ee ugu dambeeyay ee shirkadda Meta, ayaa muujinaya in isticmaaleyaasha maalinlaha ah ee Facebook ay hoos u dhaceen 1.929 bilyan oo qof saddexdii bilood ee ugu dambeeyay 2021.

    Hoos u dhaca ku yimid hantida gaarka ah ee Mr Zuckerberg ayaa u dhiganta wax soo saarka guud ee sanadlaha ah ee Estonia.

    Xitaa hoos u dhacaas ka dib, Mr Zuckerberg wuxuu heystaa hanti lagu qiyaasay ku dhawaad ​​$90bn, taasoo la micno ah inuu weli yahay mid ka mid ah dadka ugu qanisan adduunka.

    Waa markii ugu horreysay ee shirkaddan baraha bulshada la kulanto khasaare nocaan ah oo uu hoos u dhac ku yimid.

    Way caddahay in Meta ay soo food saartay dabayl wadata dhibaatooyin kala duwan.

    Sababaha ay macamiisha hoos ugu dhaceen waxaa ka mid ah tartaramada ay ku hayaan shirkadaha kale ee baraha bulshada sida TikTok. TikTok ayaa soo jiidanaysa da’ yarta Iyo waxaane sare u sii kacaya kobaca isticmaaleyaasha.

    Meta ayaa sidoo kale ka digtay hoos u dhigista kobaca dakhliga ee tartanka ka imaanaya shirkadaha tartamaya oo ay ku jiraan TikTok iyo YouTube, halka dadka wax ku xayeysiisanaya ay sidoo kale jarayeen kharashaadka.

    Mr.Zuckerberg ayaa sheegay in kobaca iibka shirkadu uu dhaawac soo gaaray markii daawadayaasha, gaar ahaan isticmaalayaasha da’da yar, ay u wareegeen kuwa ay xafiiltamaan.

    In kasta oo shirkaddu ay maalgelin ku samaynaysay adeegyada muuqaalka si ay ula tartanto TikTok, oo ay iska leedahay shirkadda weyn ee tignoolajiyada Shiinaha ee ByteDance, hadana waxay ka heshaa lacag ka yar waxyaabaha ay bixiyaan Facebook iyo Instagram-keeda caadiga ah.

    Shirkadda Facebook ayaa sannadkii hore ku dhawaaqday inay iska baddashay magaca lagu aasaasay, ayna la baxday Meta, tallaabadaas oo qayb ka ah isbaddal weyn oo lagu sameynayo shirkaddan.

    Tallaabadan ayaa daba socotay sheekooyin lagu weeraray Facebook oo lagu saleeyay dukumiintiyo uu soo dusiyay nin horay uga tirsanaa shaqaalaheeda.

    Frances Haugen ayaa ku eedeeyay shirkaddan in ay “badbaadada ka hormariso sidii ay dhaqaale ku heli lahayd”.

    Arrintan ayaa kusoo aadday xilli horaantii bishii October ee sannadkii 2021-kii ay cillad ku timid adeegyada Facebook oo mar qura hawada ka baxay meelo badan oo ka mid ah dunida.

    Xigasho:-BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.