Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada Maraykanka oo gaaray Poland
    Somalia

    Ciidamada Maraykanka oo gaaray Poland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 6, 2022Updated:February 6, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamadii ugu horreeyay ee Mareykan ah ayaa Sabtidii gaaray waddanka Poland, si ay u xoojiyaan xulafada NATO ee ku sugan Bariga Yurub, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Poland, iyadoo laga cabsi qabo in Ruushka uu ku duulo dalka deriska la ah ee Ukraine.

    “Sida lagu dhawaaqay, cutubyada ugu horreeya ee guutooyinka dagaalka ee qaybta 82-aad ee hawada sare ee ciidamada Maraykanka ayaa soo gaaray Poland,” ayuu yiri afhayeen u hadlay militariga Poland.

    Ciidamada Mareykanka ayaa gaaray saldhiga milatari ee Rzeszow oo ku yaala koonfur bari Poland, una dhow xadka uu la wadaago Ukraine, ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Arbacadii amray in 1,700 oo askari la geeyo halkaasi. Ilaa 4,000 oo askari oo Maraykan ah ayaa Poland joogay tan iyo 2017.

    Biden ayaa sidoo kale amar siiyay ciidamada Romania iyo Jarmalka, isaga oo tirada guud ee ciidamada dheeraadka ah gaarsiiyay ku dhawaad 3,000.

    Mareykanka ayaa 8,500 oo kale oo askar Mareykan ah geliyey heegan sare bishii Janaayo si loo geeyo Yurub haddii loo baahdo. Waxay weli ku jiraan heegan sare waxaana la filayaa in wasiirrada gaashaandhigga ee NATO ay ka wadahadlaan in xoojin dheeraad ah lagu daro kulankooda soo socda ee Febraayo 16-17.

    Laba ka mid ah hoggaamiyeyaasha caanka ah ee Yurub ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda u safraan caasimadaha Ruushka iyo Ukraine si ay wadahadal ula yeeshaan dhiggooda si loo yareeyo xiisadaha sii kordhaya ee ku hareeraysan duullaanka suurtagalka ah ee Moscow ee Ukraine.

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku wajahan Moscow isniinta iyo Kyiv maalinta talaadada ah. Toddobaadka soo socda, Olaf Scholz ee Jarmalka ayaa lagu wadaa inuu booqdo Kyiv Febraayo 14 iyo Moscow Febraayo 15.

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa jimcihii khadka taleefoonka kula hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba, iyagoo ka wadahadlay dhismaha ciidamada Ruushka ee xadka Ukraine iyo khatarta iskahorimaadyada hubeysan.

    Waxa uu xaqiijiyay “Taageerada hagar la’aanta ah ee Mareykanka uu u hayo madaxbanaanida Ukraine” wuxuuna si cad u sheegay in Mareykanka uu diyaar u yahay “in uu cawaaqib degdeg ah oo adag ku soo rogo Ruushka haddii uu doorto inuu sii kordhiyo” xaaladda, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.