Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Booliska Srael oo isticmaaley Barnaamijka sirdoonka Ee NSO Pegasus spyware
    Somalia

    Booliska Srael oo isticmaaley Barnaamijka sirdoonka Ee NSO Pegasus spyware

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 8, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dawladda Israa’iil ayaa magacaabi doonta guddi baadhitaan oo ogaada xaqiiqada in ay booliisku adeegsadeen barnaamij basaas ah kaas oo ay samaysay kooxda NSO si ay u jabsadaan telefoonnada dadwaynaha Israa’iil fasax la’aan.

    Dadka talefoonadooda la jabsaday waxaa ka mid ah saraakil sar sare, dad dibebaxyay, wariyeyal iyo wiil uu dhalay Ra’isal wasaarihii hore ee Benjamin Netanyahu, sida lagu sheegay wargeys maxali ah.

    Waxaa kale oo la bartilmaamedsaday talefoonka mid kamid ah dadka markhaatiga ka ahaa kiiska musuqa ee Mr Netanyahu.

    Ra’isal wasaaraha dalkaasi Naftali Bennett ayaa sheegay haddii la xaqiijiyo wararkaasi inay yihiin kuwa aad u culus.

    Barnaamijka Basaaska ayaa waxaa soo saartey shirkad dunida caan ka ah ee reer Israel ah oo layiraahdo NSO.

    Macaamiisha ugu badan ee wax ka iibsada shirkaddan reer Israel waa Carabta, iyo dowladaha ay heystaan madaxda kaligii teliyeyaasha ah, kuwaasoo u baahan barnaamijka wax basaasa ee Pegasus, si ay u helaan sirta muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

    Shirkadan lagu magacaabo NSO ayaa beenisay wararka sheegaya in barnaamijkeeda loo adeegsaday si qaldan.

    Waxay shirkadu sheegtay in barnaamijkan ay dowladaha badan ka iibisay uu yahay mid loogu talagalay in lagu dabagalo dambiilayaasha iyo kooxaha argagixisada.

    Shirkadda ayaa waxay ku adkeysatay inaysan howlgalinin barnaamijkeeda softweyarka markii ay ka iibiso macaamisha horena waxay u sheegtay in barnaamijkeeda aan loo adeegsan karin muwadiniinta isra’iil, balse kama aysan hadlin eedeymahan cusub.

    Barnaamijkan basaaska ee Pegasus wuxaa xitaa lagu jabsan karaa taleefonada sida iphone iyo aaladaha Android, isagoo u oggolaanaya dadka wax jabsanaya inay akhristaan fariimaha, sawirada, emaylka, duubitaan wicitaanada isla markaana waxaa uu si qarsoodi ah u shidi karaa mikroofanada iyo kamaradah taleefoonada iyada oo uusan ka warqabin qofka isticmaalaya.

    “Qalabkan (Pegasus) iyo barnaamijyadda kale ee la midka ah ayaa ah qalab muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo dambiyada. Laakiin looguma talagelin in lagu beegsanayo dadweynaha Israa’iil ama saraakiisha, taas oo ah sababta aan u baahanahay inaan fahamno sida saxda ah ee ay wax u dhaceen, ” ayuu yiri Ra’isal wasaare Mr Bennett.

    Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu arrintan kala hadli doono xeer ilaaliyaha cusub ee dhawaan la magacaabay ee Gali Baharav-Miara, wuxuuna sheegay in aysan shacabka ay jawaab la’aan dhigi doonin.

    Madaxweyne Isaac Herzog ayaa isna walaac ka muujiyay.

    “Waa in aynaan lumin dimuqraadiyadeena, waa in aynaan luminin booliiskeena, waana in aynaan lumin kalsoonida shacabka. Tani waxay u baahan tahay baaritaan qoto dheer oo aad u baalaaran,” ayuu yidhi.

    Wasiirka amniga Omer Barlev ayaa sheegay in guddiga baaritaanka uu madax u noqon doono garsoore shaqada ka fariistay oo ” sameyn doono baaritaan qoto dheer oo ku saabsan xad-gudubyada xuquuqda madaniga ah iyo arrimaha gaarka “.

    Warbixin la daabacay Isniintii, ayaa lagu sheegay wargeyska Calcalist in booliisku ay jabsadeen taleefannada tiro badan oo muwaadiniin Israa’iil ah.

    Sida uu qoray Calcalist, jabsiga iyo xog uruurinta taleefanadooda ayaa dhacday, xilligii ciidamada booliiska uu hoggaaminayay Roni Alsheekh oo guddoomiye ahaa intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2018.

    Netanyahu, oo bishii June ee sanadkii la soo dhaafay xilka Ra’iisul wasaare, laga tuuray ayaa baarlamaanka u sheegay in ay “maalin madow u tahay dimuqraadiyadda Israa’iil”.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.