Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yaa kusoo baxay Kuraasta Xildhibaanada Golaha shacabka Ee Kismaayo lagu doortay?
    Somalia

    Yaa kusoo baxay Kuraasta Xildhibaanada Golaha shacabka Ee Kismaayo lagu doortay?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 18, 2022Updated:February 18, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubaland ayaa dib u bilaabay doorashada kuraasta Golaha Shacabka, waxaana maanta la doortay saddex kursi oo midkood uu ku guuleystay wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Saadiq Cabdullaahi Cabdi, kadib markii musharraxii kula tartamayay kursiga HOP092 oo ahaa Cabdullaahi Aadan Ibraahim uu tanaasulay.

    Ergada doorashada kursigan ayaa si gacantaag ah ku ansixiyay Injineer Saadiq Cabdullaahi Cabdi, waxaana guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland Siyaad Maxamed Mursal uu shaaciyay inay ansax tahay natiijada rasmiga ah ee kursigan.

    Nasra Mahdi Carraale ayaa iyana ku guuleysatay kursiga 023 ee Golaha Shacabka, kadib markii ay u tanaasushay Sahra Cabdi Cilmi oo ku jirtay loollanka doorashada kursigan.

    Kursiga saddexaad ee 132 ee maanta isna la doortay waxaa ku guuleysatay Cadar Xareed Jilbiil oo iyana ay u tanaasushay Ifraax Cabdiqani Yuusuf.

    Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay xildhibaanada Cusub ee maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://fb.watch/bfiah1jXjV/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.