Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ruushka oo si rasmi ah ubilaabay Weerarkii Ukrain
    Somalia

    Ruushka oo si rasmi ah ubilaabay Weerarkii Ukrain

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 24, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Ruushka ayaa gantaalo ku garaacay magaalooyin badan oo Ukraine ka tirsan, sida ay sheegeen saraakiisha iyo warbaahinta, kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu fasaxay waxa uu ugu yeeray hawlgal milatari oo gaar ah oo laga fuliyo bariga dalkaas.

    Wax yar kadib markii uu Putin ka hadlay khudbad laga sii daayay TV-ga qaranka Ruushka, ayaa waxaa laga maqlayay qaraxyo caasimadda Ukraine ee Kyiv.

    Rasaas ayaa ka dhaceysa meel u dhow garoonka diyaaradaha ee caasimadda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Interfax, waxaana magaalada laga maqlayay dhawaqa digniinta ah ee weerarada.

    β€œPutin waxa uu hadda bilaabay duullaan buuxa oo uu ku qaaday Ukraine, magaalooyinka nabdoon ee Ukraine waxa ku socda duqaymo” ayuu bartiisa Twitter-ka ku qoray wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba.

    Milateriga Ruushka ayaa sheegay in ay duqeeyeen saldhigyada ciidamada cirka ee Ukraine iyo goobaha kale ee militariga, aysana bartilmaameedsan goobaha ay dadku ku badan yihiin, waxaana sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ay militarigoodu isticmaaleen hub aan waxyeello gaarsiin dad shacabb ah.

    Putin ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo xulafadiisa NATO inay iska indhatireen dalabaadka Ruushka ee looga hortagayo in Ukraine ay ku biirto NATO iyo dammaanad qaadka amniga Ruushka.

    β€œCid kasta oo isku dayda in ay na carqaladayso iska daa in ay khatar ku abuurto dalkeenna iyo dadkayaga, waa in ay ogaadaan in jawaabta Ruushku ay noqon doonto mid degdeg ah oo horseedi doonta cawaaqib aydnaan weligiin taariikhda ku arag.” ayuu yiri Putin.

    Xigasho Reuters, AP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.