Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Ukrain
    Somalia

    Video:-Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Ukrain

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 25, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha Gaashandhigga UK ayaa sheegay dagaalka Ukraine iney Ruushka kaga dhinteen 450 askari.

    Bell Wallance oo u warramayey idaacadda Radio 4 wuxuu sheegay ciidamada Ruushka in dagalkaasi looga dilay ay ku ogaadeen xog sirdoon oo ay heleen.

    Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa muujinaya Taangiyada Ruushka oo dhex mushaaxaya waddooyinka waaweyn ee caasimadda Kyiv.

    Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka,ayaa xaqiijisay iney gudaha u galeen mid ka mid ah degmooyinka deegaanka ee Magaaladaasi.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenesky ayaa sheegay weerarka uu Ruushka maalinti shalay ahayd uu ku soo qaaday in lagu dilay ugu yaraan 137.

    madaxweynuhu wuxuu sheegay dadkaasi iney isugu jiraan askar iyo dad rayad ah.

    Caasimadda Kyiv waxaa hadda laga maqlayaa qaraxyo xooggan oo ka dhashay duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Ruushka magaaladaasi ka wadaan.

    Ruushkana wuxuu sheegay inuu burburiyey diyaarado dagaal iyo taangiyo ay Ukraine leedahay. Halka Ukraine dhankeeda ay sheegtay iney diyaarado dagaal uu Ruushka leeyahay ay caasimadda ku soo ridday.

    Inta uu billaawday dagaalka Ukraine oo maalinti labaad galay waxaa si weyn looga hadal hayaa askar ka tirsan ciidamada Ukraine ee ku sugneyd jasiiradda Snake.

    13 askari oo ku sugnaa jasiiraddaasi yar ee ku Taalla Badda Madow waxay diideen iney iisu dhiibaan markab dagaal oo uu leeyahay jasiiraddaasi.

    Kaddib ciidamadi 13-ka aha ee jasiiradda ku sugna marki ay diideen iney isdhiibaan waxaa lagu dhuftay gantaal sidaa ayeyna ku dhinteen.

    Waxaana barta Twitter-ka lagu baahiyey cod dhanka markabka ka imanaya oo askartaasi ugu baaqaya iney isdhiibaan ka hor inta aan la dilin.

    “Waxaan idinkula talinayaa inaad isdhiibtaan hubkana aan dhigtaan, haddii kale rasaas ayaan idinku furayaa, ma i maqashaan?” ayuu leeyahay codka sargaalka ee markabka ka imanaya.

    Madaxweynaha Ukrain Zelensky wuxuu askartaasi uu ku tilmaamay geesiyaal, isaga oo sheegay in dhammaantood abaalmarinta geesiyaal dagaal la guddoonsiinayo.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.