Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa kasoo baxay wadahadalladii Ruushka iyo Ukraine?
    Somalia

    Maxaa kasoo baxay wadahadalladii Ruushka iyo Ukraine?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 4, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ruushka iyo Ukraine ayaa Khamiistii ku heshiiyay fududeynta howlaha gargaarka bini’aadinimo, si loo caawiyo dadka rayidka ah ee ka baxsanaya duullaanka Moscow ee galay maalintii siddeedaad, taasoo ah horumarkii ugu horreeyay ee laga gaaro wadahadallada labada dal.


    Wadahadalladan oo ka dhacay meel qarsoodi ah ayaa Ruushu wuxuu sheegtay inay natiijo muhiim ah kala kulmeen, halka Ukraine ay dhinaceeda sheegtay in fahankeeda wadahadaalladan ay ahaayeen caawinta dadka caadiga ah ee reer Ukraine, laakiin aysan kasoo bixin natiijadii ay Kyiv rajeyneysay.

    Ciidamada Ruushka ayaa sii wada hareereeyn ay ku weerarayaan magaalooyinka Ukraine, oo ay ku jirto Mariupol, oo ah dekedda ugu weyn ee bariga dalkaas, taas oo ay ku socoto duqeymo culus oo ka jiray biyaha iyo korontada, iyadoo saraakiisha magaaladaas ay sheegayaan in aysan qaadi karin dhaawacyada.

    La taliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak ayaa sheegay in dhici karto in si ku meel gaar ah dagaalka looga hakiyo goobo cayiman inta lagu jiro daadgureynta iyo gaarsiinta gargaarka bini’aadaminimo oo ay ugu horreeyaan raashinka iyo daawada.

    Kumannaan kun ayaa loo malaynayaa inay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen weerarkii ugu weynaa ee lagu qaado waddan Yurub ah tan iyo dagaalkii Labaad ee Adduunka, kaas oo abuuray 1 milyan oo qaxooti ah, dhaqaalaha Ruushka oo hoos u dhacay iyo cabsi laga qabo iskahorimaadyo ballaran oo Galbeedka ka dhaca, kaas aan laga fikirin muddo tobanaan sano ah.

    Wadaxaajoodyada ayaa mar kale labada dhinac kulmi doona toddobaadka soo socda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Belarusian ee Belta oo soo xiganeysay la taliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.