Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka qeyb galay Cayaaro lagu maamuusayay maalinta Dhallinyarada Adduunka
    Somalia

    Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka qeyb galay Cayaaro lagu maamuusayay maalinta Dhallinyarada Adduunka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 12, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay daawashada Ciyaaro kala duwan oo Muqdisho lagu qabtay, kuwaas oo lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada Adduun ka.

     Waxana ciyaarahan soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha, iyadoo ay ka qeyb qaadanayeen dad kala duwan oo isugu jirey dhalinyaro iyo waaweyn oo goobtaasi ku soo bandhigay xirfadahooda.

    Ra’iisal-Wasaaruhu wuxuu dhiirigeliyey qeybihii kala duwanaa ee ciyaaraha soo bandhigay, wuxuu xusay inay maanta tahay maalin taariikhi ah oo ka turjumaysa doorka dhalinta Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka dalkooda. Isagoo sheegay inuu dareen sanyahay xaalada adag ee dhalinta Soomaaliyeed ku sugan yihiin xiligan oo dalku soo kabanayo iyo marxaladihii adkaa.

    Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in cayaartani muujinayso sida ay dadka Soomaaliyeed uga soo jeesteen colaadihii daashaday, isla markaana diyaar u yihiin ka faaiideysiga xirfadahooda.

    Mudane Khayre waxaa uu cadeeyay go’aanka dawladda ee ku wajahan wax-ka qabashada arrimaha dhalinyarada iyo siday da’yartu uga qeyb gali lahaayeen nabadaynta iyo horumarka dalka. wuxuu tilmaamay inay dawladdu u dhago nugushahay dhalinta Soomaaliyeed.

    Daawashada Cayaaraha ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo dadweyne isaga kala yimid degmooyinka Caasimadda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.