Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Haweenaydii caanka ahayd Ee Madeleine Albright oo geeriyootay
    Somalia

    Haweenaydii caanka ahayd Ee Madeleine Albright oo geeriyootay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 24, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madeleine Albright, oo ahayd haweeneydii ugu horreysay ee Xoghaye Arrimaha Dibadda ka noqota Mareykanka, ayaa u geeriyootay cudurka Kansarka, sida qoyskeeda ay Arbacadii shaaciyeen, waxayna aheyd 84-jir.

    Madaxweyne Bill Clinton ayaa Albright u doortay diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka sannadkii 1996-kii, waxayna xilkaas ku soo shaqeysay afartii sano ee ugu dambeysay ee maamulkii Clinton. Waxay hore u ahayd safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

    Wakhtigaas, waxay ahayd haweeneydii ugu darajada sarreysay taariikhda dowladda Mareykanka.

    “Waxaa inaga geeriyootay hooyo, ayeeyo, walaal, eeddo iyo saaxiib qaali ah. Waxaa ku hareereysnaa ehelka iyo asaxaabta” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay qoyska Albright oo lagu daabacay Twitter-kaa, kaas oo lagu xaqiijiyay geerideeda.

    Sannadkii 2012-kii, Madaxweyne Barack Obama ayaa Albright ku abaalmariyey billadda xorriyadda, oo ah billadda ugu sarraysa ee la siiyo qof rayid ah, isagoo sheegay in nolosheeda ay dhiirri-gelin u tahay dhammaan dadka Maraykanka ah.

    Kaddib ka tegisteedii wasaaradda arrimaha dibadda, Albright, waxay sidoo kale ka mid aheyd dadka kor yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee madaxweyne Bush, iyadoo ku dhaleeceysay in halbeegga uu arrimaha dibadda ku saleyay uu ahaa awood, ‘halkii uu kobcin lahaa diblomaasiyasadda xulufada Mareykanka.”

    Waxay sheegtay in Bush uu iska riixay hoggaamiyayaashii Carabta ee qunyar socodka ahaa, taas oo abuuray suurtagalnimada khilaaf khatar ah oo kala dhexeeya xulafada reer Yurub, waa sida ay hadalka u dhigtay Madeleine Albright.

    Qoyska Albright ayaa kasoo qaxay Czechoslovakia sanadkii 1939-kii markii Naasiyiintu ay qabsadeen dalkooda, waxayna sanadihii uu socday dagaalkii adduunka ay ku qaateen magaalada

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.