Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Axmed Madoobe”Cabashada ugu badan waxay ka timaadaa dacwadaha dhulka laysku haysto”
    Somalia

    Axmed Madoobe”Cabashada ugu badan waxay ka timaadaa dacwadaha dhulka laysku haysto”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo xiray Kal-fadhigii Sadexaad ee Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.
     
    Qudbad dheer oo Madaxweynahu uu u jeediyay Baarlamaanka ayuu kaga hadlay arimo kala duwan isagoo si gaar ah ugu dheeraaday wadashaqaynta Hay’adaha Dowlada iyo iska warqabkooda.
     
    Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in hawl walba oo u baahan in la qabto ayna ka maarmaynin si wada jir ah in loo wajaho isla markaana la is garabsado marka laga hadlayo Hay’adaha Dowlada dhexdooda.
     
    Arimaha dhulka ayuu Madaxweynahu sheegay in Xukuumada cabashooyinka ugu badan ay uga imaanayaan si taas loo yareeyana sida ugu dhaw loo dhisi doono gudiga adeega garsoorka oo dib u habayn balaadhan lagu samayn doono hanaanka garsoorka Jubbaland.
     
    Dhamaan dhulka ay Dowladu leedahaya ayuu Madaxweynahu ku cel celiyay in aanay cidna dhisan Karin oo laga dumaninayo cidii ku fara adaygta.
     
    Hanaanka qaybsiga khayraadka ayuu Madaxweynahu xusay in ay u baahan tahay heshiis wada jir ah oo laga gaaro si aanay hadhow muran uga iman wax la isla ogyahayna la meel mariyo.
     
    “Dowlada Federaalka ah waxay xuquuq u leedahay iyo waxa ay Dowladaha xubnaha ka ah leeyahiin waa in ay cadaataa oo hadhow aan la isugu imaan muran iyo dood” ayuu yiri Madaxweynuhu.
     
    Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa kale oo uu ku dheeraaday sida Madaxda Dowlada Fadraalka ah looga baahan yahay in ay talooyinka ka qaataan dadka wax galka ah ee doonaya in wadanku uu hagaago.
     
    “Bulshadii waxay u kala qaybsantay labo nooc kuwo khalad iyo saxba amaan ku huwinaya iyo kuwo dhaliil iyo moral xumo la wareegaya labadaas noocba waxaan u baahanahay in aan ka fogaano oo meel dhexe aan wax ku cabiro” ayuu yiri,Axmed Maxamed Islaam.
     
    Isagoo sii hadlaya Madaxweynahu wuxuu sheegay in isku soo dhawaynta iyo ka shaqaynta waxa wanaagsan ay Soomaaliya dan u tahay qaar badan oo Bulshada kamid ahna ayna ku baraarugsanayn.
     
    Baraha Bulshada ayuu xusay in qaar badan oo Bulshadeena kamid ah ay si khalad ah u adeegsadaan iyagoo ku duminaya Dowladnimada meel walbana dhaliil ka raadinaya.
     
    Gaba gabadii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Talaado ah 15, August 2017 si rasmi ah usoo xiray Kal-Fadhigii sadexaad ee Golaha Baarlamaanka Jubbaland.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.