Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Degmada Bariire oo laga saaray Alshabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose
    Somalia

    Degmada Bariire oo laga saaray Alshabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 19, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamo isugu jira Cadaan iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ay sheegeen.

    Deegaanka Bariire, ayaa waxaa uu dhacaa duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana weerar qorsheysan ku qaaday ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya oo wehlinaya ciidamo kale oo Cadaan ah.

    Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa sheegay dagaal kooban, kadib ciidamada inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Degmada Bariire, kadib markii halkaasi ay isaga baxeen ciidankii Shabaab ee ku sugnaa.

    Deegaanka Bariire ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay gacanta ku hayay xarakadda Al Shabaab.

    Xaaladda deegaanka ayaa hadda degan waxaana ciidamada dowladda ay waddaan howlgallo ammaanka ay ku darsayaan.

    Maamulka dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa bishii lasoo dhaafay waxaa ay sheegeen in ay bilaabayaan howlgallo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan deegaannada Al Shabaab ay ka maamulaan Gobolka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.