Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Dalada Dhalinyarada Puntland oo bogaadisay qoondada Dhalinyarada ay ka heleen Wasiirada cusub
    Somalia

    Video:-Dalada Dhalinyarada Puntland oo bogaadisay qoondada Dhalinyarada ay ka heleen Wasiirada cusub

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 19, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Dallada Dhalinyarada Puntland PYAN oo kaashanaysah Hay,ada Care ayaa xalay kulan casho sharaf ah ugu samaysay garoowe wasiiradda cusub ee ku jira xukuumada Puntland,gaar ahaan kuwa dhalinyarada ah.
     
    Kulanka oo u jeedadiisu tahay dardaaran iyo dhiiragalin ayaa waxaa kasoo qayb-galay Gudoomiyaha dallada dhalinyarada Puntland Uweys Axmed Sardheeye,inta badan wasiiradda dhalinyarada ah ee ku jira xukuumada iyo qaybaha kala duwan ee dhalinyarada.
     
    Gudoomiyaha dallada dhalinyarada Puntland Uweys Axmed Sardheeye oo ka hadlay munaasabada ayaa wasiiradda ugu hambalyeeyey xilka cusub ee loo magacaabay isagoo u mahad celiyey Madaxweynaha Puntland oo door fiican dhalinyarada ka siiyey xukuumadiisa.
     
    Aweys ayaa sheegay in Dallada dhalinyaradu ay u taagan tahay dhiiragalinta iyo awoodsiinta dhalinyarada waxaana uu tilmaamay in dalladu ay dadaal dheer ku bixisay sidii dhalinyaradu ay qayb uga noqon lahayd siyaasada,iyadoo guul weyn laga gaaray arintaas.
     
    Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Puntland ayaa kula dardaarmay Wasiiradda dhalinyarada ah inay tusaale u noqdaan dhalinyarada Puntland isago sheegay in looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii dhalinyaradda kor loogu qaadi lahaa.
     
    Wasiiradda kasoo qaybgalay kulanka ayaa ku bogaadiyey dallada dhalinyarada Puntland sida ay ugu heelan tahay in dhalinyaradu ay ka dhex muuqdaan siyaasada dalka,waxaana ay balan qaadeen inay tusaale wanaagsan u noqon doonaan dhalinyarada Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    October 21, 2025

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    October 21, 2025

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    October 21, 2025
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.