Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmajo oo ku gacan sayray Siyaasadda Qatar iyo Xarakada Fahad Yaasiin
    Somalia

    Madaxweyne Farmajo oo ku gacan sayray Siyaasadda Qatar iyo Xarakada Fahad Yaasiin

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 20, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Soomaliya ayaa 2 bilood kadib go’aansaday in uu dib u eegis ku sameeyo go’aankii Dowladda Federaalka ay hore ugu taageertay Waddanka Qatar. Kadib markuu arkay:-

    1. Cadaadis badan oo uga yimid Ganacsatada Soomaliyeed gaar ahaan Xawaaladaha oo sanadkii dalka soo geliya lacag dhan $2 billion oo Dollar. Dhaqaalahaas oo boqolkiiba 90% soo mara dalka Imaaraadka.

    2. Markuu arkay in Dowlad Goboleedyada ay ka horyimaadeen go’aanka ay wateen Fahad iyo Xarakada la socota.

    3. Markuu arkay mashaariicda balaaran ee imaaraadku ka wado dalka gudihiisa.

    4. Markuu arkay dhoofka xoolo dhan 5 million oo neef oo u socda dalka Sacuudiga.

    Wuxuu weydiistay Dalka Masar in ay Soomaliya ugu gogol xaarto in ay Sacuudiga iyo imaaraadka la heshiiso.

    Madaxweynaha Masar ayaa ku xujeeyay in Dowladda Dhexe ee Soomaliya ka laabato go’aankii hore ee ay Qatar ku taageertay. Madaxweyne Farmajo ayaa aqbalay sida ay sheegayaan diblomaasiyiin Masri iyo Imaarati ah.

    Dowladda Qatar ayaa 80 dal u sameysay dal ku gal shuruud la’aan ah todobaadkan balse ka reebtay Soomaliya.

    Dani waa seeto. Waa kheyr in Madaxweyne Farmajo gartay Danta Dalka iyo Dadka.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.