Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Dawlada Fadaraalka oo taageertay go’aankii Baarlamaanka Hir-Shabelle
    Somalia

    Video:-Dawlada Fadaraalka oo taageertay go’aankii Baarlamaanka Hir-Shabelle

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 20, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaiya ayaa sheegtay in xil ka qaadista madaxweynaha maamulka Hirshabeela ay sharci tahay.

    Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu yiri: Go’aankii baarlamaanka ee dwlad goboleedka Hirshabeele ee August 14, 2017, markay dowladda Federaalka ah guddii wasiirro ah oo xaqiiqo raadis ah u dirtay magaalada Jowhar, August 17, 2017, oo ay dhageysatay dhamaan dhinacyada kala duwan ee khilaafka.

    Markaan qiimeynay cawaaqib xumada ka dhalan karta is jiid jiidka siyaasadeed oo dhaba dheeraada iyo khatarta kaga imaan karta dowlad goboleedka curdunka ah ee Hirshabeele.

    Markaan eegnay baahida loo qabo amniga, kala dambeynta, iyo xasiloonida siyaasadeed ee dowlad goboleedka Hirshabeele oo shacabku wax wayn ka filayaan, waxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalk, iyo dib u heshiisiinta soo jeedineysaa;

    In la tixgaliyo go’aankii baalmaanka Dowlad Gobleedka Hirshabeebe ee 14-kii Agoosto. In doorashada madaxweynaha cusub lagu qabto 30 cisho gudahood oo ka bilaabaneysa 14-kii bisha Agoosto.

    In Baarlamaanka Hirshabeele qabto guddi doorasho oo isu miisaaman oo lagu kalson yahay, Waraadadda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiintana kormeer ku sameyso farsamo ahaana ka caawiso.

    In la adkeeyo aminiga iyo kala dambeynta xilliga kala guurka ah. War shaxaafadeedka ayaa lagu yiri; waxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta soo dhoweynaysaa talaa guddoonka iyo Baarlamaanka Hirhsbabeela ee ah in kursiga Madaxweyne-nimo ay u tartanto beesha uu ka soo jeedo madaxweyaha xilka laga qaaday oo kali ah,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/5Z4Cxv1ghek

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    October 21, 2025

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    October 21, 2025

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    October 21, 2025
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.