Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kismaayo:-Maxjarka Xanaanada Xoolaha juba oo maanta xariga laga jaray
    Somalia

    Kismaayo:-Maxjarka Xanaanada Xoolaha juba oo maanta xariga laga jaray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 24, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Maxjarka Xanaanada Xoolaha ee Jubba kaasoo laga hirgaliyay duleedka Magaalada Kismaayo.
     
    Wasiirka Xanaanada Xoolaha Jubbaland Maxamed Nuur Buule maamulka maxjarka Odayaal dhaqan iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa kasoo qayb galay munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Maxjarka.
     
    Madaxweynahu wuxuu soo kormeeray dhamaan qaybaha uu Maxjarkan oo ah kan ugu weyn Soomaaliya uguna tayada sareeya ka kooban yahay.
     
    Si gaar ah Madaxweynahu wuxuu booqday qaybta baarista Caafimaadka isagoo la sheekaystay wax badana ka dhagaystay dhamaan dhakhatiirta qaybtan ka shaqeeya.
     
    Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay hirgalinta hawshan oo uu xusay in Dalka iyo deegaankaba ay muhiim u tahay.
     
    “Marka la eego xoolaha Magaalada lagu qalo waxaan doonaynaa in Caafimaadkooda uu yahay mid la isku halayn karo sidaas darted waxaan rajaynayaa in halkan hawsha barista lagu samayn doono” ayuu yiri Madaxweynahu.
     
    Dadweynaha Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in ay ka muhiimsan yihiin kuwa dalal shisheeye jooga ee xoolaha halkan la keeno loo dhoofinayo sidaas darteedna wuxuu maamulka maxjarka iyo Wasaarada Xanaanada Xoolaha ku booriyay in bad qabka Xoolaha lagu dadaalo.
     
    Soomaaliya iyo Gobolka oo dhan ayuu Madaxweynahu sheegay in ay ugu baaqayaan in ay ka faa’iidaystaan maxjarkan oo ay halkan dadka xoola dhaqatada ah xoolahooda ka dhoofistaan si waliba fudud oo kharash badan uuna kaga baxaynin
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.