Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Sharciga Istaatiistikada, laguna qeybiyey Sharuucda Dambiyada Jinsiga iyo Ururada Aan Dowliga aheyn
    Somalia

    Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Sharciga Istaatiistikada, laguna qeybiyey Sharuucda Dambiyada Jinsiga iyo Ururada Aan Dowliga aheyn

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 24, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa ansixinta Sharciga Istaatistikada, laguna qeybiyey shuruucda Dambiyada Jinsiga iyo kan Ururada Aan Dowliga Aheyn, isla markaasna looga hadlay arrimaha Amniga, Dastuurka, Maaliyada iyo waxqabadka dowladda iyo arrimo kale.

    Warbixinta amniga ayaa lagu xusay in qorsheyaasha howlgalka ciidamada uu meel fiican marayo, isla markaasna la baacsanayo kooxaha argagaxisada ah oo dhowaan lagala wareegay deegaanka Bariirie oo 3 maleeshiyada Al-Shabaab lagu qabtay. Shacabka ayaa looga degay Xeebaha dalka xilliyada ay Baddu kacsantahay, tanoo dad badan naftooda ku waayey. Sidoo kale doomanka waxaa la faray in shaqsi walba loo xiro Jaakada dabaasha, iyo in xilliyada Baddu kacsantahay aysan rakaab qaadin.

    Wasaarada Maaliyada ayaa ka warbixisay xaalada Maamulka & Maareynta Maaliyada iyo qorshaha mideynta dakhliyada hay’adaha kala duwan oo dhammaan lagu ballamay in khasnada dowladda lagu soo shubo. Wasaarada ayaa wada qorshe lagu ururinayo canshuuraha si loo kordhiyo dakhliga dowladda si adeegyada bulshada loo fuliyo.

    Wasiirka Arrimaha Dastuurka ayaa golaha siiyey warbixin kooban oo ka hadleysa horumarka wadatashiga hannaanka dib u eegista dastuurka oo dowlad goboleedyada la gaarsiiyey wadatashiga bulshada, isla markaasna maamulka gobolka iyo degmooyinka Benadir lala sameeyey wadatashiga Maqaamka Muqdisho. Wasiirka ayaa sidoo kale la wadaagay golaha caqabadaha jira sida dhaqaalaha, amniga, iyo arrimo kale. Wasiirka ayaa sheegay in Shirweyne Wadatashi Qaran la qaban doono dhammaadka bisha September.

    La Taliyaha Ra’iisul Wasaarahaa ayaa soo bandhigay waxqabadka Wasaaradaha uguna baaqay Wasiirada inay labo jibaaraan waxqabadkooda si shacabka loola wadaago oo isla xisaabtan dhab ah loo hirgeliyo.

    Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ayaa golaha u soo bandhigay Hindise Sharciyeedka Istaatiistikada oo dood dheer ka dib ay xubnaha golaha wasiirada si wadar-oggol ah ugu codeeyeen una ansixiyeen. Sharcigan ayaa waxaa ka abuurmaya Hay’ada Istaatiistikada Qaranka oo wax weyn ka qaban doonta arrimaha muhiimka u ah diyaarinta Qorsheyaasha horumarinta dalka, iyo arrimo fara badan.

    Golaha ayaa maanta loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Jinisga oo ay soo gudbisay Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka iyo Hindise Sharciyeedka Urarada Aan Dowliga aheyn (NGO) oo uu soo gudbiyey Wasiirka Qorsheynta. Labadaan sharci ayaa xubnahu ay soo akhrisan doonaan si looga doodo, loona ansixiyo shirarka danbe.

    DHAMMAAD

    Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
    Muqdisho, Somalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyayaal degmo

    November 9, 2026

    Ilhan Omar oo guul taariikhi ah ka gaartay doorashada Mareykanka

    November 4, 2026

    Miisaaniyadda 2027 ee Puntland oo noqotay $308,213,973

    November 3, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyayaal degmo

    Ilhan Omar oo guul taariikhi ah ka gaartay doorashada Mareykanka

    Miisaaniyadda 2027 ee Puntland oo noqotay $308,213,973

    Uganda oo shaacisay war naxdin geliyay maamulka Xassan Shiikh

    Mareykanka oo bilaabay tababarka Ciidamo gaar ah oo Puntland yeelanayso – (Sidee loo qoray?)

    Askar katirsan Ciidamada Uganda oo ka duulay Muqdisho

    GAROOWE: Booliska Puntland oo qabtay gaari sidday Hub

    XOG: Puntland oo dhistay Cutub Ciidan oo ku dagaallama diyaaradaha Drones-ka

    Booliska gobolka Mudug oo la wareegay qalab Isgaarsiineed

    Deni “Waxaan kula talin Xassan Shiikh isagoo tiisa u turaya in uu is casilo”










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.