Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaramada Midoobey oo ku baaqday in la hakiyo colaadda Raqa
    Somalia

    Qaramada Midoobey oo ku baaqday in la hakiyo colaadda Raqa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 25, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si ku meel gaar ah hakad la geliyo dagaalka ka dhanka ah kooxda la baxday dowaldda Islaamka ee magaalada Raqqa ee dalka Suuriya, si dadka rayidka ah loogu oggolaado inay halkaasi isaga cararaan.

    Waxaa la rumeysan yahay in qiyaastii 25,000 oo qof oo shacab ah ay wali ku go’doonsan yihiin magaalada Raqqa.

    Isbahaysiga uu mareykanka taageero ee ka kooban carabta iyo kurdiyiinta ayaa isku dayaya in ay magaaladaasi kala wareegaan dagaalyahannada kooxdaasi dowladda Islaamka.

    Madaxa gargaarka Qaramada Midoobey u qaabilsan Suuriya, Yan Egeland, ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in magaaladani Raqa ay tahay meesha ugu xun ee caalamka maanta la joogo, waxaana habboon buu yiri in la qadariyo dhammaan waxyaabaha xal u noqon kara in shacabka halkaa ku xayiran laga soo badbaadiyo kooxdaasi jihaadiga ahi.

    Qaramada Midoobey ayaa sheegeysa in xoogagga dimuquraadiga ee Suuriya ee uu mareykanka taageero ay haatan la wareegeen gacan ku haynta ku dhawaad boqolkiiba 60 magaalada Raqa.

    Magaaladaasi ayaa sidoo kale la qiyaasayaa in ay ku dhex go’doonsan yihiin ku dhawaad labo kun oo ka tirsan mintidiinta kooxda dowladda islaamka, kuwaasi oo u dagaalamaya sidii ay naftooda u difaacan lahaayeen.

    Dhanka kale, haweeney afhayeen ah oo u hadashay hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International, Donatella Rovera, ayaa waxa ay sheegtay in ciidamada isbahaysigu ay hakinayaan dedaalada dadka doonaya in ay magaaladaasi ka soo cararaan maadaama bey tiri ay weerarayaan doomaha halkaa ka soo baxaya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.