Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Agaasimaha Madaxtooyada Dawlada Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe ma danbaabine waa asiibay’
    Somalia

    Agaasimaha Madaxtooyada Dawlada Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe ma danbaabine waa asiibay’

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 25, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Biixi hadalkan uu ku qoray bartiisa Fc-ga mahan mid uu ku xadgudbay shaqada xaafiiska Madaxtooyada ,sidoo kale mahan mid uu ugu gafay shaqsiyaad ama ku bixiyay sir lagu aaminay,balse taa badalkeeda waxuu Umada uga digay oo u iftiinshay ujoodkooda iyo qorashahooda qarsoon shaqsiyaad ku gabanaya shaatiga marka qof dantiisa waayo uu xirto ee lagu magacaabo”danta guud iyo tan deegaankayga aya la dayacay”.

     

     

     

     

    Tusaale:-

    Maxamuud Xaaji Yuusuf waxuu ka mid ahaa shaqsiyaad aad udoonayay in lasiiyo Wasiir,si gaar ah waxuu isagu ugu olalaynayay in Wasiirka Beesha Sawaaqroon la siiyo oo meesha laga saaro Wasiirkii Haweeenka Marwo Anisa ee waxqabadka caanka ku ahayd dadkuna aadka ujeclaayeen.

    Maxamuud Xaaji Yuusuf waxuu geed dheer iyo mid gaabanba ufuulay sidii Gabadhaas loo tuuri lahaa,isagoo abaabulay Odoyaal dhadhamo raac ah oo Madaxtooyada cadaadis ku saara in Gabadhaas aysan matalin Beesha.

    Ugu danbayntii Cadaadiskaas oo meel fog gaaray waxuu kalifay in Wasiir Anisa kusoo laaban waydo Golaha Wasiirada,balse Madaxtooyada Puntland waxay ku guulaysatay in Ninka fashilan ee Maxamuud Xaaji Yuusuf uusan soo galin Golaha cusub oo uusan qaadan wasiirkii Sawaqroon.

    Halkaas markay marayso Nin fashilmay Maxamuud Xaaji Yuusuf waxuu bilaabay in uu baraha bulshada iyo Mareegyada kusoo qoro dacaayado raqiis ah oo uu isleeyahay waxaad ku kicin kartaa shacabka ,isagoo adeegsanaya hadalo bulshadu ugu nuglaan karto sida”waxaa dayacan deegaankaas,waxaa la cunay dhaqaalahaas,waxaa wax laga qaban waayay meel hebla,balse ujeedkiisu mahan waxqabad iyo dhaiil toosin looga gol leeyahay ee waa halagu arko oo halagu aamusiyo.

    Isku soo wada duuboo Cabdinaasir Biixi Soofe kuma khaldana in uu Bulshada usoo bandhigo Dadka khatarta ku ah jiritaankooda,isla markaana uga digo dibindaabyadooda.

    Shalay waxaa madaxweyne Gaas lagu dhaliilayay war muu keensado nin ka naxaya oo qoyskiisa meelahan oo kale cid kale looma dhiibtee oo wiilkan timaha tidcan iska cayriyo.

    Maanta markuu keenay nin uu isleeyahay Puntland waa matali karaa umadana waa u shaqayn karaa,maamulkana daacad buu u yahay ayay bilaabeen kuwii shalay kula talinayay muu keensado Nin ka naxaya oo ilaalsanaya xukunka in ay ku dhaleeceeyaan ina adeerkii buu keensaday.

    ”Reer Mudugu waxay ku maahmaahaan hadaan ahaanayo mar walba Ey,Ey dhalay aan ahaado Ey,Ey dhalay waxiisa haysta”.

    Qof walba oo Soomaaliya waxuu u ciilqabaa in uu kursigaa ku fariisto Tolkiis iyo qaraabadiisana u qaybiyo kuraasta kale iyo dhaqaalaha,

    Somalidu waa qabiil waxay wax ku nacdo,wax ku disho,waxna ku jeclaato.

    Madaxweyne kasta marna amaan iyo duco kala tagi maayo madasha ee muhiimadu waxay tahay in uu ka raaco danta guud meesh ay ku jirto ee uu xog ogaalka u yahay.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    October 21, 2025

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    October 21, 2025

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    October 21, 2025
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.