Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Japan:-Daawo Kuuriyada Waqooyi oo Gantaal tijaabo ah dulmarisay Dalkaas
    Somalia

    Japan:-Daawo Kuuriyada Waqooyi oo Gantaal tijaabo ah dulmarisay Dalkaas

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 29, 2017Updated:August 29, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kuuriyada Woqooyi ayaa gantaal ay ridday dul marisay woqooyiga Japan oo wuxu ku dhacay badda.

    Ciidamada Japan iskuma ay dayin in ay soo ridaan ama dhexda ku qabtaan gantaalkaa in kasta oo raadaalladu markiiba digniin bixiyeen, waxaana gantaalkaa la riday aroornimadii hore ee saaka.

    Ra’isal wasaaraha Japan, Shinzo Abe, ayaa ku tilmaamay gantaalkaa la dul mariyey dalkiisa khatar “aan hore loo arag”.

    Beryahan dambe waxa Kuuriyada Woqooyi ridaysay gantaalo badan oo tijaabo ah, hase yeeshee dhif iyo naadir bay ahayd in ay dul mariso Japan gantaalahaa ay ridaysay.

    Jimcihii iyo Sabtidii ayaa Kuuriyada Woqooyi waxay ridday saddex gantaal oo nooca ridada dhexe ah waxaanay ku dhaceen meel ka baxsan xeebaha bari ee dalkaas.

    Gantaalkan la riday markii uu dul maray Japan waxa markiiba fariimaha digniinaha ah diray raadaallada dalkaas, hase yeeshee idaacadda dawladda ee NHK ayaa sheegtay in aanu wax khasaare ahi dhicin.

    Ra’isal wasaare Abe ayaa gantaalkan loo ganay xaga dalkiisa ku tilmaamay “fal laga cadhoodo” iyo in uu yahay “khatar halis ah oo aan hore u dhicin taas oo dhaawacaysa nabada iyo nabadgelyada gobolka”. Waxaan intaa ku daray in xukuumadiisu qaadayso wax kasta oo ay nolosha shacabka ku ilaalinayso,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/ppS7ADDafzI

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    October 21, 2025

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    October 21, 2025

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    October 21, 2025
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.