Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Garowe:-Camey oo ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada wafti sare oo ka socda Dawlada jarmalka
    Somalia

    Garowe:-Camey oo ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada wafti sare oo ka socda Dawlada jarmalka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 30, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta 30 August 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo safiirka dalka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Mr. Markus Bollmohr.

    Kulanka ayaa waxaa Madaxweyna kuwehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaana lagaga arrinsaday kulankani arrimo ay kamid ahaayeen adkaynta xidhiidh ka labada dhinac iyo  mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka fulliyo Puntland.

    Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa ugu horayn weftigani kusoo dhoweeyey qasriga Madaxtooyada Garoowe, waxaana uu kusimaha Madaxweynuhu tilmaamay inay tahay muhiim in layska kaashado sidii loo xoojin lahaa loona wanaajin lahaa xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Jarmalka, taasi oo suura gelin karta in uu sii wanaagsanaado xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya hadda labada dhinac.

    Sidoo kale Madaxweyne Camey ayaa weftiga uga warbixiyey mashaariicda horumarineed ee dalka jarmalku ka hirgeliyo Puntland muhiimadda ay u leeyihiin shacabka iyo dawladda Puntland, maadaama ay salka ku yahaan kobcinta arrimaha aasaasiga ah ee bulshada Puntland iyo tan Soomaaliyeedba, isla markaana waxa uu uga mahadceliyey dawladda Jarmalka mashaariicda horumarineed ee ay ka fullinayaan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

    Safiir kuxigeenka dalka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankiisa cadeeyey inay diyaar u yihiin adkaynta iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac, waxaana uu sidoo kale hoosta ka xariiqay inay sii laban laabi doonaan mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka fulliyo Puntland, kuwaas oo uu sheegay inay kuyimaadeen iskaashiga iyo xidhiidhka wanaagsan ee labada dhinac.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.