Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Garowe:-Madaxweyne Camey oo digniin adag udiray Shirkadaha Ganacsiga gaarka loo leeyahay
    Somalia

    Garowe:-Madaxweyne Camey oo digniin adag udiray Shirkadaha Ganacsiga gaarka loo leeyahay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 1, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Camey ayaa si qoto dheer uga hadlay lacagta shillin Soomaaliga, taas oo ay in muddo ah taagnayd hawsheedu, waxaana uu sheegay kusimaha Madaxweynuhu in aanay jirin dad reer Puntland ah oo ka cabanaya lacagta shillin Soomaaliga, isla markaana waxa uu xaqiijiyey in lacagtani tahay mid ay gobolada koonfureed ee Soomaaliya ka joojiyeen argagixisada Al-shacaab, isla mar ahaantaana waxa uu ugu baaqay dawladda Dhexe ee Soomaaliya iyo dawladdaha kale ee xunaha ka ah DFS ay ka gaadhaan arrintani xal lagu badbaadinayo lacagta shillin Soomaaliga laguna yaraynayo lacagta qalaad ee Dollar-ka.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa xaqiijiyey in isaga aanay  ka iman amar lagu joojinayo lacagta shillin Soomaaliga ah,  hase yeeshee ay jirto digreeto Madaxweynaha dawladda Puntland soo saaray, taas oo lagu socodsiinaayo qaadashada lacagtaasi, laguna mamnuucayo lacagta xoosh ka ah amaba duugowdey  ee lagu soo daabulayo gawaadhida xamuulka, lagana keenayo gobolada koonfureed ee Soomaaliya, waxaana uu Madaxweyne camey xaqiiyeyn digreetada Madaxweynaha dawladda Puntland soo saaray ay tahay mid saxa oo u dan ah dawladda Puntland iyo shacabkeeda.

    Madaxweyne Camey ayaa sidoo kale xusay in dawladdu gacanta ku dhigtay lacag tirro badan oo shillin Soomaali ah taaso oo ku rasaysan gawaadhida xamuulka, laguna hayo saldhigyada Booliska gobolada Puntland, waxaana uu shacabka Puntland u cadeeyey in dhowaan dawladdu ka yeelandoonto qorshe lagu joojinayo lacagtaasi, isla markaana waxa uu shacabka Puntland ugu baaqay inay isticmaalaan lacagtooda kuna xidhnaadaan bangiyada dawladda ee kuyaala magaala madax kasta ee gobol walba leeyahay.

    Ugu danbayntii, Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ugu baaqay ganacsatada reer Puntland, shaqaalaha iyo masuuliyiinta sar-sare ee dawladda inay iyagu ugu horeeyaan qaadashada lacagta Shillin Soomaaliga, waxaana uu sidoo kale ugu baaqay Dawladda Fadaraalka Soomaaliya inay soo faragashato wax ka qabashada dhibtaatada ka taagan lacagta ummadda Soomaaliyeed ee Shillin Soomaaliga ee laga keenayo gobolada koonfureed ee Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.