Kulan maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa loogu caleemo saaray Cali Cabdullaahi Cosbole madaxweynaha maamul loogu magacaabo Hiiraan โLand oo dhawaan Beledweyne uga dhawaaqeen odayaasha gobolka.
Dhinacyadii kala duwanaa ee ka qeybgalay kulanka ayaa sheegay in la bur buriyay nidaamka lagu dhistay maamulka Hirshabeelle, taa badalkeedana dhisteen maamulka Hiiraan โLand oo ka kooban labo gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Sare.
Guudoomiyaha gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim (Cumar Baadiyow) oo ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in goโaankii ay qaateen xildhibannada Hirshabeelle uusan aheyn mid sharaci ah,hoos ka daawo muuqaalka.
Halkan ka daawo muuqaalka
https://youtu.be/6unJfSGR7Dk
