Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Soomaaliya Ma Waxay Noqotay Kilinka 6aad ee Itoobiya???
    Somalia

    Soomaaliya Ma Waxay Noqotay Kilinka 6aad ee Itoobiya???

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 8, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Arrinta Cabdikariim Sh. Muuse (Qalbi dhagax) waxay dharka ka xayuubisay oo banaanka soo dhigtay taagdarida, taloxumida, iyo aqoondxumida dawladda iyo madaxda Soomaaliyeed.

    Cabdikariim, sida wararku sheegayaan, wuxuu ku dhashay kuna ababay magaalada Xamar. Intaasi waxay kuu cadaynaysaa inuu yahay muwaadin Soomali ah. Waxaa intaas sii raaca inuu ka mid noqday ciidankii qaranka Soomaaliyeed.

    Ma qarsan inuu ka mid yahay uruka ONLF oo taas afkiisa ayaa laga hayaa. Dawlaadda Itoobiya ONLF waxay u aqoosantahay urur argagixiso ah, sida dawladdii Mengistu ee Itoobiya ay qolyahan maanta xukunka Itoobiya haysta ugu tilmaami jireen inay yihiin argagixiso.

    Dawladda Soomaaliya inay muwaadin Soomaali ah dawlad kale u gacan geliso sharci u fasaxaya ma jiro. Wixii danbi ah oo uu ka galay Soomaaliya ama dal kale waxay ahayd in wadanka gudihiisa maxkamad lagu saaro, wixii danbiya oo lagu helana uu ciqaabteeda ku dhamaysto wadanka gudihiisa.

    Madaxda Soomaaliya ma Itoobiyaa u caga juglaysay oo tiri xoog baan kula baxaynaa haddii aydnaan soo dhiibin Cabdikariim? Cidna kama qarsoona Itoobiya in min Berbera ilaa Kismaayo ciidamo u joogaan, waxay rabaana wadanka gudihiisa ka suubsadaan.

    Waa ayaan darro in dawladda Soomaaliya ay shakhsi Soomali ah ay u gacan geliso Itoobiya, usbuuc ka dibna golaheeda wasiiradu soo dhoodhoobaan sababihii loo gacan geliyey.

    Ma wayna ku haboonayn inta an la gacan gelin in baaritaan la sameeyo, dabadeed haddii la ogaado inuu gacan saar la lahaa Al-Shabaab, la yiraahdo Cabdikariin waa muwaadin Soomaali ah, wadanka danbi ka galay, sharciga ayaan hor keenaynaa. Ciddii kaloo qabta inuu danbi ka galay ha nala soo xiiraaraan, wixii macluumaad ahna ha noo soo gudbiyaan.

    Haddiise sheekadu sidaan ku sii socoto, maxaa lagu diidin in la yoraahdo Soomaaliya waa Kilinka 6aad ee Itoobiya???

    Rabbow Tubta Toosan. Aamiin.

    Abdihakim Hassan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.