Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Lama aqbali karo natiijo ka hoosaysa Bosaso oo ay iska diiwaangelisay wax ka yar 20%.!!
    Somalia

    Lama aqbali karo natiijo ka hoosaysa Bosaso oo ay iska diiwaangelisay wax ka yar 20%.!!

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 19, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bosaso waa Magaalada ugu weyn Puntland ayna ku nool yihiin Dad ku dhow Hal Milyan oo Qof.

    Macquul ma’ahan lamana aqbali karo in ilaa iyo hada Dadkii Bosaso usoo bixi waayeen isdiiwaangelinta.

    Bulshada Gobollada Bari,Karkaar iyo Gardafuu waa udiyaar isdiiwaangelinta.

    Ururadii waa taageereen isdiiwaangelinta oo caqabad kuma noqon.

    Mideeye oo baqdinta ugu weyn ee ah in uu fawdo sameeyo laga baqayay,waa laga amaan helay si ilbaxnimo leh ayay udirireen oo aan jiriyayn ahayn.

    Siyaasiyiintii waa iska ururiyeen diiwaangelinta si aysan u eersan.

    Cid caqabad ku noqotay oo Maanta la eedayn karo majirto.

    Caqabadaha taagan,waa Dowlada iyo Gudiga Doorashada…

    1.Wasiirka Arimaha Gudaha Juxaa waxuu la wareegayaa Kaamiro iyo Geedi Caano leh.

    2.Gudoomiyaha Gudiga Doorashadu waa Nin aan hadlayn,muuqanayn saamayntiisu yar tahay.

    3.Shaqadii diiwaangelintana,waxaa loo dhiibay Dhalinyaro aan khibrad lahayn haysana Qalab fiican.

    Xalku muxuu yahay??

    1.In mudada Diiwaangelinta lagu daro ugu yaraan Laba Todobaad.

    2.In wax laga qabto Shaqaalaha iyo Qalabka diiwaangelinta.

    3.In Dadka la kasbado oo lagu qanciyo isdiiwaangelinta,iyadoo loo marayo Wadooyinka saxda ah sida…

    B.Ururada oo loo fasaxo Olalaha lana siiyo dhaqaale.

    T.Isimada,Nabadoonada,Saxaafada iyo Dadka saamaynta leh oo la isticmaalo.

    J.Diiwaangelinta oo aan loo fiirin yaa taageersan Ururka Dowlada ama yaa taageersan Mideeye.

    Lama aqbali karo natiijo ka hoosaysa Bosaso oo ay iska diiwaangelisay wax ka yar 20%.

    Juxaa iyo Gudoomiyaha Gudiga Doorashada waa in ay iscasilaan hadii aysan ku filnayn socod siinta Shaqadan.

    Madaxweyne Deni Shalay,waxaa taariikh foolxun ku noqotay,diiwaangelintii Been abuurka ahayd ee Damjadiid,isagoo Wasiirka Qorshaynta Fadaraalka ah in uu Saxiixay in PL ku nooshahay 400-kun,iyadoo Pl ay ku nooshahay 4-Milyan oo Qof,Maanta haka digtoonaado in uu Bosaso ku shaabadeeyo diiwaangelin khaldan.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.