Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baarlamaanka Ciraaq oo diiday gooni goosadka Kurdiyiintu qorshaynayaan
    Somalia

    Baarlamaanka Ciraaq oo diiday gooni goosadka Kurdiyiintu qorshaynayaan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 13, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Golaha baarlamanka Ciraaq ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday in afti loo qaado madaxbannaanida gobolka Kurdistan ee la filayey in ay dhacdo 25 Sebtember.
     
    Godoomiyaha baarlamanka, Saliim Al-Jabuuri, ayaa bogga uu ku leeyahay Facebook-ga ku sheegay in uu diidanyahay aftidaa la qorsheeyey, waxaanu sidoo kale ku sheegay inay waajib ku tahay Ra’isal Wasaare Xaydar Al-Cabaadi in uu qaato go’aan kasta oo adkaynaya midnimada Ciraaq, iyo in uu bilaabo dood wax ku ool ah oo wax lagaga qabto arimiha murugsan ee dhex yaalla xukuumadda dhexe iyo gobolka Kurdistan.
     
    Xildhibaan Maxamed Al-Karbuuli ayaa isna sheegay in xildhibaannada Kurdiyiinta ah ee golaha ku jiray ka baxeen fadhiggii golaha intii aan codbixintaba la bilaabin.
     
    Xildhibaan Kurdi ah oo la yidhaa Maajid Shinkali ayaa isna waraysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Reuters wax aan wax ka soo qaad lahayn ku tilmaamay codbixinta baarlamanka, waxaanu yidhi waa wax aan macno badan lahayn oo aan joojin karin in aftida lagu qabto wakhtigii loogu talo galay.
     
    Mooshinkan codbixinta loogu qaadayey in baarlamanku aqbalo aftida iyo in kale waxa golaha keenay 80 xildhibaan.
    Dhanka kalena, madaxweynaha gobolka Kurdistan, Mascuud Barsaani, ayaa maanta oo Salaasa ah booqasho ku jooga magaalada Karkuk ee saliidda hodanka ku ah, waxaana ujeedada socdaalkiisa lagu sheegay in “uu shacabka gobolka ee kala isirka iyo madaahibta ahba u xaqiijiyo in aftidu aanay dayaci doonin xuquuqdooda isla markaana dan u tahay dadka ku dhaqan goobaha lagu muransanyahay”.
     
    Ra’isal wasaaraha Ciraaq, Xaydar Al-Cabaadi, ayaa dhawr jeer diiday in aftidaa la qabto waxaanu ku tilmaamay in ay tahay arin aan dastuurka dalka waafaqsanayn.
     
    Aftidan gobolka Kurdistan laga qaadayo ayaa loo arkaa in ay tahay mid aan sharcigu ku khasbayn dawladda Ciraaq in ay u hogaansanto natiijadeeda, sidoo kalena waxa ka soo horjeeda Maraykanka iyo quwadaha Galbeedka ee ay gacan saarka leeyihiin Ciraaq maadaama oo ay u arkaan in ay wiiqi karto dedaalkooda ay kula dagaalamayaan kooxda la baxday Dawladda Islaamka.
     
    Sida qorshuhu yahay, aftidu kuma koobna sadexda degmo ee gobolku ka koobanyahay ee kala ah Dahuuk, Erbiil iyo Sulaymaaniya, laakiin waxa kale oo lagu wadaa in ay ka dhacdo goobaha kale ee ay ku badanyihiin Kurdiyiintu ee ay ciidamadooda loo yaqaan Beshmarga ka “xoreeyeen” kooxda la baxday Dawladda Islaamka.
     
    Dalalka ay Ciraaq deriska yihiin ee ay ka midka yihiin Iran iyo Turkigu ayaa iyaguna ka baqe qaba ay artintani dhiirri geliso qoomiyadaha Kurdiyiinta ah ee laga tirada badanyahay ee dalalkooda ku dhaqan in ay iyaguna damcaan in ay gooni u goosad raadiyaan.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.