Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada iyo arrimo kale
    Somalia

    Video:-Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada iyo arrimo kale

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 14, 2017Updated:September 14, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre, qeybiisa hore, halka uu qeybtiisa danbe uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Hindise sharciyeedyo, doorashooyinka 2020 iyo arrimo kale.

     Hay’adaha amniga ayaa ugu horreyntii laga dhageystay warbixinta amniga, iyagoo sheegay in kooxaha nabad-diidka ah oo diidan horumarka amniga dalka inay gobollada qaar qaraxyo ka geysteen oo shacab ay ku laayeen, iyadoo hay’adaha amniga ay sii labojibaarayaan soo celinta amniga iyo xasiloonida. Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sheegtay inay socoto qiimeyn lagu sameynayo diyaar garowga ciidanka XDS ee ku aadan sidii ay amniga dalka ula wareegi lahaayeen mustaqbalka dhow.

    Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo soo bandhigay qorshaha guud ee doorashooyinka, si qoto-dheerna uga warbixiyey horumarka ay ku tallaabsadeen ee ku aadan diyaargarowgooda, sheegeyna inay ka go’antahay sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin hal cod iyo hal qof ah. Guddiga ayaa sheegay inay daraasad ku sameeyeen dalal badan oo duruufaha heysta ay la mid yihiin Soomaaliya haddana ay doorashooyin ka qabsoomeen. Guddiga ayaa sheegay inay jiraan caqabado fara badan, kana codsaday in Golaha Wasiirada ay xal u helaan caqabadahaas oo ay ka mid yihiin tan dhaqaalaha, amniga iyo siyaasada oo muhiim u ah qabsoomida doorashooyinka. Golaha Wasiirada ayaa Guddiga ku ammaanay dadaalkooda una ballanqaaday inay u fududeyn doonaan howlahooda si dalka looga hirgeliyo doorashooyin hal-qof iyo hal-cod ah 2020ka.

    Golaha Wasiirada ayaa dood dheer iyo falanqeyn ka dib si aqlabiyad leh ku ansaxiyey Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida, oo muhiim u ah dib-u-habeynta ciidamada Qaranka iyo sidii dadka howlgabka ah, agoonta iyo curyaamiinta ay u heli lahaayeen xaquuqdooda aasaasiga ah. Sharcigan ayaa ahaa mid dib u eegis ku sameeyey Sharci Lr 6 ee 31kii December 1969kii, si loola saanqaado xaalada dalka ku suganyahay.

    Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka dooday hindise sharciyeedyo kale si looga soo baaraandago oo kulamada danbe loo ansixiyo. Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa dib u eegis ku sameeyey Xeer Hoosaadka Golaha Wasiirada, kuna ballamay inay ka soo baaraandegaan si loo ansixiyo kulamada danbe,hoos ka daawo muuqaalka.

                                                                         Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.