Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay yihiin Qodobada fashilin kara heshiiska Laftagareen iyo Mucaaradka?
    Somalia

    Maxay yihiin Qodobada fashilin kara heshiiska Laftagareen iyo Mucaaradka?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 5, 2023Updated:February 5, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qodobka ah Wasaarada arrimaha gudaha,Federaalka iyo dib-uheshiisiinta ayaa dhaqan galinayso heshiiska qodobada kor ku xusan waa midka fashilin doona in doorashada Koonfur galbeed ay ku dhacdo waqtiga lagu heshiiyay.

    Dal Federaal ah wasaarad arrimo gudo uma baahno kamana shaqeeyso. Dowladda Koonfur galbeed waa ogtahay arrintaas, waxayse u muuqata inay kaga gudbayeen xaalada taagan.

    Su’aal kale waxay noqon doonta haddii wasaarada arrimaha gudaha aysan door ku yeelan karin doorashooyinka Puntland iyo Jubaland sidee door ugu yeelan kartaa Koonfur galbeed?

    Mida kale Wasiir Fiqi waxaa Ra’iisul Wasaare u ah Xamsa oo horay dowladii Farmaajo uga diiday in ay qayb ka noqdaan ama maamulaan doorashdii dib loogu doortay Axmed Madoobe.

    Waxaa kale oo heshiiska caqabad ku noqon kara wax walba oo khilaaf kale ah oo aan doorashada khusayn oo ka dhex dhaca dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Koonfur galbeed, taaso iyadana si dadban heshiiska u fashilin karta.

    Waxaan ku kalsoonahay haddii la raaco sida sharcigu qabo oo waafaqsan nidaamka federaalka, dowladda koonfur galbeed-na aan loola dhaqmin si ka duwan sida loola dhaqmo Puntland iyo Jubaland isla markaanaa aan lagu farogelin maamulkeeda iyada oo la raadinayo dano gaar ah in heshiiska u noqon karo mid xal ah.

    WQ:-Oday Somaliyed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.