Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo digniin udirtay Somaliland
    Somalia

    Puntland oo digniin udirtay Somaliland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 7, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    WAR-SAXAFADEED.

    Dowladda Puntland waxay iyadoo ka duulaysa dagaalka gumaadka ah ee ay Maamulka Somaliland ka waddo Magaalada Laascaanood soo saartay qodobada hoos ku xusan:-

    1. Dowladda Puntland waxay cambaareynaysaa xasuuqa ay Ciidamada Maamulka Somaliland ka wadaan Magaalada Laascaano iyo deegaanada hoos yimaada. Waa nasiib darro in Maamulka Somaliland ku tilmaamaan Shacabka Magaalada Laascaano iyo hogaankooda dhaqanka in ay yihiin Argagixiso.
    2. Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka ahayn dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood, uuna yahay dagaal dadka Shacabka ah ee Reer Laascaanood ay isaga difaacayaan gumaadka ay ku hayaan Ciidamada Somaliland ee muddada 15ka sano ahayd ku haysta Shacabka Magaalada Laascaano caburin, dilal qorshaysan, xarig iyo tacadiyo kaleba si ay qori caaraddiis ugu khasbaan rabitaankooda gooni goosadka ah, una hor istaagaan midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.
    3. Dowladda Puntland, sidii ay horeyba u sheegtay, waxay soo dhaweynaysaa in dadka Deegaanka oo ay hogaaminayaan Isimada dhaqanka ay aayahooda ka tashadaan.
    4. Dowladda Puntland waxay magacaabaysaa Guddi dadka deegaanka kala shaqeeya gurmadka iyo taakuleynta arrimaha bini’aadantinimada. Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay hay’adaha Caalamiga ah ugu yeeraysaa in ay gacan ka geystaan sidii gargaar deg deg loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay dagaalka Magaalada Laascaano iyo kuwa dhaawacmayba.
    5. Waxaan Maamulka Somaliland ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah u joojiso gumaadka ay dadka shacabka ah ku hayso, kalana baxdo ciidankeeda Laascaano iyo deegaanada kale ee Gobolka.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.