Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»WARBIXIN: Machadka IFA oo Itoobiya ugu yeeray aqoonsiga Somaliland
    Somalia

    WARBIXIN: Machadka IFA oo Itoobiya ugu yeeray aqoonsiga Somaliland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 6, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbixin uu daabacay machadka Arrimaha Dibedda ee dalka Itoobiya (IFA) ayaa lagu sheegay in doodda Somaliland ee aqoonsiga dalnimo uu ka gudbay miisaska caalamiga ah, lana aaday aqoonsi ku dhisan iskaashi Amni, dhaqaale iyo dublamaasiyadeed.

    IFA ayaa sheegay in amni darrada ka jirta Badda Cas ay u soo jiiday Somaliland quwado waa weyn, maadama Dekedda Berber ay dhacdo aag muhiim u ah nabadgelyada Badda Cas.

    Itoobiya ayuu machadka IFA ugu yeeray inay hirgaliso heshiiskii Somaliland, kaas oo dhigayay in Itoobiya gaarto Biyaha Somaliland, waxaana uu intaa ku daray in doodda DFS ee fadhigeedu yahay Muqdisho uusan ka helin masraxyada caalamiga ah aqbal, maadama uu yahay mid jaban.

    Ku tiirsanaanta Itoobiya ee Dekeddaha Jabuuti ayuu sheegay in loo baahan yahay in la yareeyo dhabaha iskaashi lala yeesho Somaliland, kaas muhiim u ah Itoobiya.

    IFA ayaa intaa ku daray in Masar iyo Turkigu Isha ku hayaan dhaqdhaqaaqyada Somaliland, iyagoo awood siinayay maamulka Soomaaliya ee jooga Muqdisho. Qaahira ayuu machadku xusay inay u aragto goob istiraatiijayadeed oo ay ka xoojin karto loollanka ay kula jirto Itoobiya, kaas oo salka ku haya muran Biyaha webiga Nile oo Addis Ababa ka hirgalisay Biyo xireen weyn oo si baaxad leh u dhimay saamigii Biyaha webiga ay ka heli jirtay Masar.

    Hoos ka akhriso warbixinta uu daabacay Machadka IFA ee dalka Itoobiya.

    https://www.ifa.gov.et/blog/699

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Somalia’s Security Transition, Political Challenges, and the Future of the Federal Government

    July 7, 2026

    Somaliland oo wada-hadal kula jirta saraakiisha Sool Bari, iyo Askar u goosatay

    July 6, 2026

    Maamulka Xassan Shiikh oo Al-Shabab u aqoonsaday Xisbi siyaasadeed

    July 6, 2026
    Latest Posts

    Somalia’s Security Transition, Political Challenges, and the Future of the Federal Government

    WARBIXIN: Machadka IFA oo Itoobiya ugu yeeray aqoonsiga Somaliland

    Somaliland oo wada-hadal kula jirta saraakiisha Sool Bari, iyo Askar u goosatay

    Maamulka Xassan Shiikh oo Al-Shabab u aqoonsaday Xisbi siyaasadeed

    Madaxweyne Deni oo eryay Agaasimihii ‘Hay’adda Forensic Science’

    Diyaaradaha Turkey oo duqeymo ka wada Baydhabo, xilli Xassan Shiikh tagay

    WAR-SAXAAFADEED: Puntland oo u digtay shirkaddaha shisheeye, gaar ahaan Turkida

    The port of Gara’ad and its viability as an export outlet for Ogaden oil and natural gas

    Midowga Africa: Magaalooyin waa weyn oo Soomaaliya bay Al-Shabaab qabsan

    Muuse Biixi “Ictiraaf waynu u baahnayn lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.