Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Muuse Biixi “Ictiraaf waynu u baahnayn lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn”
    Puntland

    Muuse Biixi “Ictiraaf waynu u baahnayn lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 2, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay weerar afka ah oo uu habeeno kahor ku qaaday Madaxweynaha xafiiska jooga Cabdiraxmaan Cirro, kaas oo ahaa in uu kasoo horjeedo ictiraafka Somaliland ka heshay Israa’iil.

    Biixi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in uusan marnaba dhihin intii uu xafiiska joogay, waxaan ictiraaf ka helnay dalalka Itoobiya iyo Guinea. Biixi ayaa intaa ku daray in Somaliland doonayso ictiraaf balse uu ka yimid meel aysan filayn oo uu ula jeedo Israa’iil.

    Hoos ka akhriso qoraalka Muuse Biixi.

    Madaxweyne cirro ayaa shirkii golaha dhexe ee xisbigiisa weedho iiga soo gubiyay, bal aan in yar ka idhaahdo.

    Wuxu madashaa ka sheegay in aan sheegay in laba jeer aan ictiraaf ka soo helay labada dawladood ee kala ah Guinea conakry iyo Ethiopia.

    Anigu marnaba ma odhan ictiraaf ayaan dawlad la soo galay.
    Arrintaasi been baad sheegtay Odaygii Qaranka lagu odhan maayee, ee wuu ismoodsiyey.

    Odaygu wuxuu sheegay in anan kabaha haleelin markii la ii sheegay in la yidhi aqoonsi caalami ah ayaa la helay, waa runtii. Haddaba, markii aan tagay madaxtooyada JSL hadalkii aan ka jeediyayna waa kan:

    “Ictiraaf waynu u baahnayn lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn. Arrintu waxay u eegtahay maahmaahdii ahayd “Rag ciil cadaab ka dooray. Ictiraafku waa mudnaanta kowaad ee dalkeena JSL, Iyadoo ay sidaa tahay, haddana, waxaan leeyahay arrinta dhinacyo badan halaga eego, una talo badso, si aan dhexdeena khilaaf uga iman.

    Maantana intii ayaan leeyahay.” Haddaba, waxa nasiib darro ah in madaxtooyadu ay jarjartay hadalkaygii oo la nuxur tiray. Sido kale, waxa gabi ahaanba meesha laga saaray hadalkii uu madasha ka jeediyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Haddaba, gefka yaa galay?

    Arrintan sida aad u maamushay aan dul istaago, safarkaagii rasmiga ahaa waxa aad sheegtay in aad Israa’iil hore u booqatay iyada oo laga ilaaliyay shacabka iyo warbaahintaba, waana kow madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland ah oo si qarsoodi ah u safra, marka dambena sheega in uu safaro qarsoodi ah uu galay.

    Safarkaagii u dambeeyay ee rasmiga ahaa waxa aad muddo joogtay dalka isu-tagga imaaraadka carabta oo aad ka dhooftay, halka waftigaagii wasiiraduna ay iyaguna muddo ku sugnaayeen dalka itoobiya kana dhoofeen.

    Madaxwayne maxaa keenay qarsoodiga iyo qaybsanaanta?

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maamulka gobolka Mudug oo mamnuucay Shirarka siyaasadeed

    July 2, 2026

    Hay’adda ICG: DFS & Al-Shabaab isku awood ayay noqdeen.

    July 2, 2026

    HARGEYSA: Golaha Wasiirada oo meelmariyay heshiiskii Cirro & Netanyahu

    July 1, 2026
    Latest Posts

    Muuse Biixi “Ictiraaf waynu u baahnayn lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn”

    Maamulka gobolka Mudug oo mamnuucay Shirarka siyaasadeed

    Hay’adda ICG: DFS & Al-Shabaab isku awood ayay noqdeen.

    HARGEYSA: Golaha Wasiirada oo meelmariyay heshiiskii Cirro & Netanyahu

    Ethiopia’s Declining Influence in Somalia Geopolitics

    Madaxweyne Deni oo si adag ugu jawaabay Xamze “Hadalka Wiilka Xassan waan maqalnay”

    Ciidanka Puntland oo baadi-goobaya Rasaas u badan ‘Qoriga Hoobiyaha’ oo Laascaanood ka degay

    Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Hay’addaha Garsoorka

    US reaffirms Somali sovereignty in blow to Somaliland and Israel

    Wafti wasiiro ah oo gaaray Gaalkacyo, kaddib amarkii Madaxweyne Deni

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.