Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»WAR-SAXAAFADEED: Puntland oo u digtay shirkaddaha shisheeye, gaar ahaan Turkida
    Puntland

    WAR-SAXAAFADEED: Puntland oo u digtay shirkaddaha shisheeye, gaar ahaan Turkida

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 5, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland ayaa uga digtay shirkaddaha shisheeye in aysan ka fulin karin biyaha deegaanadeeda howlgallo, sida maalgashiga kalluumeysiga, ilaalinta xeebaha ama howlo kale, iyagoo oggolaansho ka haysan Dowladda Puntland.

    War-saxafadeed kasoo baxay Dowladda Puntland ayaa si gaar ah looga digay shirkadda SOMTURK oo heshiis kula jirta DFS ee fadhigeedu yahay Muqdisho, in aysan xeebaha Puntland ka sameyn karin wax howlgallo ah.

    “Dowladda Puntland waxay mar kale adkaynaysaa go’aankeeda ku saleysan Dastuurka, kaas oo dhigaya in aysan jirikarin shirkad gaar loo leeyahay ama hay’ado shisheeye, oo ay ku jirto SOMTURK, oo ka fulin karta biyaha Puntland hawl-galo, sida maalgashiga kalluumeysiga, ilaalinta xeebaha ama hawlo kale oo la mid ah, iyada oo aan oggolaansho rasmi ah laga helin hay’adaha awoodda u leh ee Dowladda Puntland. Go’aankani wuxuu waafaqsan yahay Qodobbada 44, 51, 52, 53, 54 iyo 142 ee Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (2012), iyo Qodobbada 4 iyo 54 ee Dastuurka Dowladda Puntland.”

    Puntland ayaa sheegtay in dastuurkeeda iyo kan Federaalku ay dhigayaan in Puntland awwood u leedahay maamulka kheyraadkeeda iyo in ay gali karto heshiisyada sharci ee la xiriira ka faa’ideysiga kheyraadkeeda, aysan awood u lahayn Hay’addaha Federaalka ee muddo-xileedkoodu dhammaaday.

    “Sidoo kale, hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ee uu muddo-xileedkoodii sharciyeed dhammaaday, ma aha awood sharciyayeed oo ay ku bixin karaan rukhsado ama ay shirkado shisheeye kula geli karaan heshiisyo maalgashi, oo khuseeya dhulka ama biyaha ku jira xuduudaha sharciyadeed ee Dowladda Puntland.”

    “Sidaa darteed, cid kasta oo isku dayda inay ka hawlgasho biyaha ama dhulka Puntland iyada oo aan oggolaansho ka haysan hay’adaha ay khusayso ee Dowladda Puntland, waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda Dowladda Puntland.”

    Ugu dambeyn, Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay qadarinayso iskaashiga ay la wadaagto dalalka saaxiibka la ah iyo hay’addaha caalamiga ah iyo maalgadayaasha shisheeye.

    “Dhanka kale, Dowladda Puntland waxay si weyn u qadarinaysaa iskaashiga ay la leedahay dowladaha saaxiibbada ah, hay’adaha caalamiga ah iyo maalgeliyeyaasha shisheeye, waxayna soo dhoweynaysaa dhammaan maalgashiyada iyo iskaashiyada waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dastuurka Dowladda Puntland, mabaadi’da federaalka, daahfurnaanta iyo ku dhaqanka sharciga.”

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Somaliland oo wada-hadal kula jirta saraakiisha Sool Bari, iyo Askar u goosatay

    July 6, 2026

    Maamulka Xassan Shiikh oo Al-Shabab u aqoonsaday Xisbi siyaasadeed

    July 6, 2026

    Madaxweyne Deni oo eryay Agaasimihii ‘Hay’adda Forensic Science’

    July 6, 2026
    Latest Posts

    Somaliland oo wada-hadal kula jirta saraakiisha Sool Bari, iyo Askar u goosatay

    Maamulka Xassan Shiikh oo Al-Shabab u aqoonsaday Xisbi siyaasadeed

    Madaxweyne Deni oo eryay Agaasimihii ‘Hay’adda Forensic Science’

    Diyaaradaha Turkey oo duqeymo ka wada Baydhabo, xilli Xassan Shiikh tagay

    WAR-SAXAAFADEED: Puntland oo u digtay shirkaddaha shisheeye, gaar ahaan Turkida

    The port of Gara’ad and its viability as an export outlet for Ogaden oil and natural gas

    Midowga Africa: Magaalooyin waa weyn oo Soomaaliya bay Al-Shabaab qabsan

    Muuse Biixi “Ictiraaf waynu u baahnayn lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn”

    Maamulka gobolka Mudug oo mamnuucay Shirarka siyaasadeed

    Hay’adda ICG: DFS & Al-Shabaab isku awood ayay noqdeen.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.