Maamulka gobolka Mudug oo mamnuucay in shirarka siyaasadded ee aan haysan fasaxa rasmiga ah ee maamulka gobolka.
Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa lagu faray Taliyayaasha Booliska iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Mudug:
1. In Shir siyaasadeed oo aan fasaxa looga haysan maamulka gobolka Mudug aan lagu qaban karin Hoteelada iyo meelaha kaleba.
2. In ciddii ka hor timaada meelmarinta amarka talaabo sharciga waafaqsan laga qaado.
Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa faray Hoteelada ku yaala degmooyinka gobolka in aan lagu qaban karin shirar siyaasadeed oo aan fasax ka haysan maamulka gobolka.
IDILNEWS
