Diyaaradaha F-16 ee Turkey ayaa dul heehaabaya magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka degay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee DFS Xassan Shiikh Maxamuud iyo xubno kale oo maamulkiisa ah.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha Turkey ay duqeymo hadda ka geysteen hareeraha Baydhabo, iyadoo aan la ogeyn cidda la beegsaday, maadama magaalada ay hareer joogaan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo hadda ka Amar qaata Cabdicasiis Laftagareen iyo Kooxda Al-Shabaab oo iyana duljoogta Baydhabo.
Xassan Shiikh ayaa u tagay Baydhabo ka qeybgalka xaflad uu ku caleema-saarayo Aadan Madoobe, oo ay u doorteen Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kaas oo hadda wajahaya culeys siyaasadeed iyo mid amni.
Turkey ayaa hadda dhex dabaalanaya Arrimaha Soomaaliya, isagoo la safan Xassan Shiikh, waxaana lagu eedeeyay duqeymo diyaaradeed oo la beegsaday goobo ay ku sugnaayeen ciidamada diidan Xassan Shiikh iyo in agabka milateri iyo ciidamada uu taageero loo adeegsaday weerarkii horaantii June lagu qaaday hoggaanka mucaaradka, gaar ahaan Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare hore Xassan Cali Khayre.
IDILNEWS
