Gollaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa oo kulan degdeg ah yeeshay ayaa walaac ka muujiyay khatar weyn ee ka dhalanaysa go’aanka Mareykanku ku joojiyay taageerada dhaqaale ee uu siinayay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ciidamada Midowga Africa.
Midowga Africa ayaa sheegay in talaabadan ay halis galinayso nabadda gobolka, sidoo kalena xoojinayso awooddo kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab. Xubnaha ayaa xusay in tani sababi karto in gacanta Al-Shabaab ay ku dhacaan magaalooyin waa weyn oo ku jira gacanta ciidamada Midowga Africa, ayna go’i karaan jidad muhiim u ah isu socodka saadka iyo sahayda milateri.
Gollaha Amniga AU ayaa soo jeediyay dhowr qodob, kuwaas oo ay ku sheegeen in kasii waddo howlgalka AUSSOM, iyadoo saadka laga raadinayo Dalal kale, loona sameynayo qaaraan aruurin.
AU ayaa intaa ku daray in haddii la waayo la abuuro howlgal heer gobol ah, iyadoo la koobayo Talisyada ciidamadu ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.
Haddii labadaa qorshe dhaqangal noqon waayaan Gollaha Nabadda iyo Amniga AU ayaa isku raacay in ay lagama maarmaan tahay in ciidamada Midowga Africa lagala baxo Soomaaliya, iyadoo si taxadar leh loogu wareejinayo Amniga ciidamada Soomaaliya.
DFS ayaa kulanka kasoo jeedisay dalabkeeda ku wajahan baahida ay u qabto joogitaanka ciidamada Midowga Africa ee ka howlgalla Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo hadday baxaan suuragal ka dhigi karta in Al-Shabaab qabsato magaalooyinka weyn oo ay kamid tahay caasimadda Muqdisho oo hadda ay dul joogaan, una jiraan in ka yar 15-KM.
IDILNEWS
