Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa xilkii looga qaaday Agaasimihii Guud ee Hay’adda Forensic Science ee Puntland Cabdirashiid Maxamed Shire.
Hoos ka akhriso Wareegtada Madaxweyne Deni.
XEER MADAXWEYNE LR. 20 – 6-da LUULYO 2026 KUNA SAABSAN XIL-KA-QAADISTA AGAASIMAHA GUUD EE HAY’ADDA FORENSIC SAYNISKA PUNTLAND.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland, Qodobkiisa 80-aad.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dardargelinta, dib-u-habeynta iyo tayeynta maamulka Hay’adda Forensic Sayniska Puntland.
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey: –
1. Waxaa Cabdirashiid Maxamed Shire laga qaaday xilkii Agaasimaha Hay’adda Forensic Sayniska Puntland
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
-DHAMMAAD-
IDILNEWS
