Qoraal uu qoray Xildhibaan Xareed Xassan, oo kamid ah Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland – ayuu kaga hadlay shaqsiyada Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole. Waxaana uu ku sifeeyay ilaah yaqaan dal iyo dad jecel, lehna saaxiibtinimo.
Hoos ka akhriso qoraalka Xildhibaan Xareed Xassan.
Waxaan Bartey Senoter Faroole Madaxweynihii 4 Ee Puntland 1999. Shirkii Carta Djabouti Soomaali Loogu Yagleelay Dowladnimadda Maanta Lagu Ciyaarayo Oo Rag Aan Geed Usoo Marin Oo Guryahooda Joogay Ay Maanta Burburinayaan
Senoter Faroole Wuxuu Ka Mid Ahaa Guddiyaddii Ugu Muhiimsanaa Ee Shirkaas.
Wuxuu Kale Oo Ka Qayb Qaatay Shirkii Eldoret 2002 Lagu Qabtay, Dabadeed Waxaa Loo Soo Wareejiyey Embagathi Shirkaas Waxaa Lagu Doortey Allaha U Naxariistee Abdullaahi Yuusuf 14/10/2004 Wuxuu Ahaa Xubnaha Ugu Muhiimsan Shirkaas Waayo Wuxuu Ahaa Wasiirka Maaliyadda Ee Puntland.
Haddana Waxaa Loo Doortey Madaxweynaha Puntland 8/1/2009 , Waxaa Xaqiiq Ah Haddaan Madaxweyne Faroole Xiligaas Puntland Joogeen Soomaaliya Iney Khatar Weyn Gelli Lahayd Waaayo Wuxuuna Nagala Shaqeeyey In
Dalka Ku/Meelgaarkii Uu Nagala Saaro
Maamulkale Oo Jireyna Ma Jirin Xiligaas
Dastuurkaan Hadda La Tuuray Oo
Madaxweynihii Horre Hassan Sheikh Uu Yiraahdo Faroole Baa Qortey Waa Dastuurkii Aannu Soomaali Isugu Keenay Caasimadda Soomaaliya Muqdisho Lagu Ansixiyey Waxaana Lagu Doortey Hassan Sheikh Maxud 10/9/2012, Wuxuu Kaloo Senoter Faroole Ka Soo Shaqeeyey Dhismihii Maamuladda
Jubbaland Iyo Galmudug.
Illaahay Hortiis Faroole Waxaan Ku Aqaan
Nin Illaahay Yaqaan,Xaaja Yaqaan ah Dal Iyo Dad Jecel Saaxiibtinimo Leh, Ninka Intaas Oo Sifo Leh Kama Suurowdo In Been Aan Soconeyn Lagu Khaldo Intaas Waa Intaan Annigu Ku Bartey Oo Kula Shaqeeyey Waa Laga Yaabaa Sifooyin Kale Oo Aan Ilowsanahay Iney Jiraan Oo Wannaagiisa Ah.
Allaa Mahadleh Waxa Iddin Waramaya Waa Xog-Ogaal Geed Ay Gashaba Usoo Joogey.
IDILNEWS
