Puntland: Taariikhda Dhismaheeda, Sababihii Keenay iyo Himiladii Soomaaliyeed
Hordhac
Puntland waa mid ka mid ah maamullada ugu faca weyn Soomaaliyada casriga ah, waxaana lagu aas-aasay xaalad adag oo ay dalka Soomaaliya ka jireen dagaallo sokeeye, burbur dowladeed iyo kala dambayn la’aan ka dhalatay dhacdadii 1991.
Hase yeeshee, dhismaha Puntland ma ahayn mashruuc gooni-u-goosad ah, balse wuxuu ahaa dadaal ay hormuud ka ahaayeen isimada dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka bulshada si loo badbaadiyo nabadda, loo ilaaliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, loona abuuro maamul ku-meel-gaar ah oo horseeda dib-u-dhiska qaranka Soomaaliyeed.
Xaaladdii Soomaaliya Ka Jirtay
Kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, waxaa dalka ka dhacay dagaallo sokeeye, fowdo, amni darro iyo kala qaybsanaan siyaasadeed. Gobollada waqooyi-bari ee Soomaaliya waxay wajahday baahi weyn oo loo qabay nabadgelyo, maamul iyo adeegyo bulsho.
Waxaa markaas bilaabmay dadaallo nabadeed iyo wada-tashi ay hormuud u ahaayeen isimada dhaqanka ee beelaha Harti iyo siyaasiyiinta deegaanka, kuwaas oo ku heshiiyay in la abuuro maamul shacabka ka ilaaliya fowdada iyo dulaanada ka ga imaanayay.dhina yada adiskaa sida beesha isaaq iyo beesha hawiye, isla markaana qayb ka noqda dib-u-soo-celinta dowlad Soomaaliyeed oo mideysan.
Shirarkii Wadatashiga iyo Doorkii Isimada
Sanadihii 1997 iyo 1998 waxa gobolka Nugaal, gaar ahaan magaalada Garoowe, ka qabsoomay shirar waaweyn oo ay isugu yimaadeen isimada dhaqanka,beesha harti, siyaasiyiinta, aqoonyahano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Shirarkaas waxaa hoggaaminayay isimada dhaqanka ee miisaanka weyn mu lahaa, bushada dhedeeda waxaana ka mid ahaa inta aan ka xasuusto
– Islaan Maxamed Islaan Muuse
– Boqor Maxamuud Boqor Muuse
– Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax
– Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire
– Suldaan Siciid Maxamed Garaase
Garaad maxamad cilmi shiraw
– Ugaas Yaasiin Ugaas Maxamed
– Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax
– Beeldaaje yaasiin bin jacayl
Wakiilkii beeldaaje cabdulaahi
Garaad cabdulaahi caliciid
– Garaad Saleebaan Garaad Maxamed
– Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac Iyo isimo aana hada macyadooda xasuusan oo ubadnaa beesha dhulbahante lagana heli karo diwaanka saxiixa dhismaha pu tilaan maadama aan hada cudur daarleeyahay oo xogaa xaaustu si noqotay
– Cuqaal, nabaddoonno iyo waxgarad kale oo door muuqda ku lahaa geeddi-socodka nabadaynta iyo dhismaha maamulka.
Isimadani waxay qaadeen masuuliyad taariikhi ah, iyagoo ka hormariyay danta guud danaha gaar ahaaneed, kana shaqeeyay heshiisiin, isu keenid bulsho iyo dhisidda nidaam dawladnimo Kadibna taladii ugudbiyay beelaha kale ee aywada dhasheen hadana ay dan iyo deegaan wadaaga yihiin sida leelkase ,awrtable,meheri ama carabsaalax,mareexaan oo ka cudurdaartay xilgaas,madhibaan iyo tumaalo.
Aasaaskii Puntland
Kadib shirar iyo wada-tashi muddo dheer socday, waxaa 1-dii Agoosto 1998 si rasmi ah loogu dhawaaqay Dowladda Puntland ee Soomaaliya.
Magaca Puntland waxaa laga soo qaatay dhulkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliyeed ee loo yaqaanay Punt Land, kaas oo qoraallo badan oo taariikheed lagu xusay.
Aasaaska Puntland wuxuu ku salaysnaa saddex mabda’:
1. Sugidda amniga iyo nabadda Iyo difaaca Maadaama xiligaas daka ku abtirsada beesha daarood iyo meheri iyo daka kale ee ladaga ay ku socdeen colaado laba geesooda oo uga imaanayay beelha kale ee soomaaliyeed ee ay diriska ahaayeen oo kala ahaa hawiye oo ka soo weerarayay dhanka koon fureed iyo isaaq oo ka soo weerarayay dhanka waqooyi galbeed ayagoo waliba siwada jira 1992 usooqaaday weerar huwan shaar diimeed oo ayba kuqabsadeen magaalooyinka muhiimkaa ee punlaan.
dagaalkaas oo looyaqaan dagaalkii itixaadka ama saliid .
2. Dhismaha hay’adaha dawliga ah.
3. Ka qaybqaadashada dib-u-dhiska Soomaaliya oo mideysan.
Ka Qaybgalka Beelaha
– waxaa hadan dib uga soomid noqday mareexaan.(wagardhac)
– Dir
– shiikaal
– oo intuba hada puntilaan kamida waxayna cadayn u tahay in ay tahay maamul soomaaliyeed
Ka qaybgalka beelahaasi wuxuu muujiyay in Puntland ahayd mashruuc bulsho oo ku dhisnaa wadajir, is-afgarad iyo dan guud.
Cabdullaahi Yuusuf Axmed
Shirkii Garoowe kadib waxaa Madaxweynaha ugu horreeyay ee Puntland loo doortay Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Cabdullaahi Yuusuf wuxuu door weyn ku lahaa hirgelinta hay’adaha maamulka, dib-u-dhiska ciidamada amniga iyo dejinta nidaam dawladeed oo shaqeyn kara.
Intii uu hoggaanka hayay waxaa la dhisay:
– Madaxtooyada Puntland
– Golaha Wakiillada
– Golaha Wasiirrada
– Ciidamada Daraawiishta
– Ciidamada Booliiska
– Hay’adaha Garsoorka
Taas oo Puntland ka dhigtay maamulkii ugu horreeyay ee si nidaamsan uga hanaqaada Soomaaliya burburkii kadib.
Dadaalladii Dhismaha Dowladnimada
Puntland waxay xoogga saartay:
– Nabadaynta bulshada
– Dhismaha hay’adaha dawladda
– Kor u qaadista waxbarashada
– Horumarinta caafimaadka
– Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha
– Ilaalinta xeebaha iyo amniga kobcinta ganacsiga iyo is dhegalka bulshada soomaaliyee
Dhismaha magaaloonin cusub oo casri ah
Waxay sidoo kale hormuud ka noqotay dagaalka lagula jiro argagixisada, budhcad-badeedda iyo kooxaha khalkhal gelinaya amniga dalka
Puntland iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya
Puntland mar walba waxay ka gonayd sida ku cad dastuirkeeda in ay qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxay si firfircoon uga qayb qaadatay shirarkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo ugu dambayn horseeday dhismaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hada nirta.
Madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuu sanadkii 2004 noqday Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo astaan u ahayd kaalintii Puntland ku lahayd dib-u-soo-nooleynta dowladnimada Soomaaliyeed
Gunaanad
Dhismaha Puntland wuxuu ahaa guul taariikhi ah oo ka dhalatay aragti fog, biseyl siyaasadeed iyo hoggaamin dhaqameed oo ay muujiyeen isimada, siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegamadii laga dhisay punlad.
Muddo ka badan rubuc qarni, Puntland waxay noqotay tusaale muujinaya in nabad, wada-tashi iyo is-ixtiraam lagu gaari karo dib-u-dhis bulsho iyo dowladnimo.
puntilaan taariikhdeedu waxay qayb muhiim ah ka tahay taariikhda casriga ah ee Soomaaliya, waxaana lagu xusuusan doonaa doorkeedii ku aaddanaa ilaalinta midnimada, xasilloonida iyo dib-u-dhiska qaranka Soomaaliyee ee uga danbayn lagu soo yagleelay inbigaati kaynya ayadoo xoog xoolo iyo maskaxba galisay
si hagar laana in dawladnimada soomaaliya lageeyo magaalo madaxda dalka ee muqdisho gaar ahaa villa soomaaliya oo ilaahada uu ka babanayo calanka buluugaa ee astaanta u ah soomaali
Tallo soo jeedi odaynimo
Waxaan oranlahaa shabka soomaaliyeed meel uu joogaba waxa uu baahi u qabaa dawladnimo wanaagsan oo ilaalisa sharfkooda iyo qarannimadooda.
Waxana ku talinlahaa in dadka siyaasada ku matalayaa u fakaraan baahida dadkooda iyo dalkooda iskana daayaan is jiidjiidka iyo khilaafka lagana shaqeeyo waxkasta oo wanaaga oo isu soo dhawaynaya umada soomaaliyeed.
In wada hadalada hada socda laga soosaaro wax u wanaagsan dhagaha shacabka soomaaliyeed
Ugu.danbayn waxaan leeyahay reer puntilaan kufara adayga maamulkiina iyo wada jirkiina kana shaqeeya wanaaga iyo wadajirka soomaaliya.
W/Q: Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad
IDILNEWS
