Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Kuuriyada Waqooyi oo Gantaal kale dulmarisay
    Somalia

    Video:-Kuuriyada Waqooyi oo Gantaal kale dulmarisay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaal dul marisay Japan, waana daandaansigii labaad ee noociisa ah ee dhaca todobaadyo gudahood.
     
    Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in gantaalkani uu sare u kacay masaafo gaaraysa 770km uuna jaray 3,700km ka hor intii uusan ku dhicin badda Hokkaido.
     
    Rai’iisulwasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in dalkiisuu uusan “marnaba” u dulqaadan doonin ficillada halista ah ee Kuuriyada Waqooyi.
     
    “Haddii Kuuriyada Waqooyi ay sii wado in ay ku sii socoto jidkaaas, mustaqbalku ma iftiimahayo,” ayuu ku yiri war qoraal ah oo uu soo saaray.
     
    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sidoo kale cambaareeyay gantaalka ay ridday dawladda Kuuriyada Waqooyi.
     
    Jawaabtiisa wuxuu culayska ku saaray Shiinaha iyo Ruushka oo ah dalal ay xiriir dhaqaale lee yihiin Kuuriyada Waqooyi oo Nukliyeer haysata.
     
    “Shiinaha ayaa Kuuriyada Waqooyi ka iibiya shidaalka ugu badan, Ruushkuna waa dalka ugu badan ee shaqo siiya shaqaalaha la qasbay ee Kuuriyada Waqooyi u dhashay,” ayuu yiri.
     
    Shiinaha iyo Ruushka waxaa waajib ku ah in ay muujiyaan in aysan u dulqaadanaynin gantaalo tijaabinta qar iska tuurnimada ah iyaga oo qaadaya tallaabooyin u gaar ah oo iyaga ka soo go’ay,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/yaYNtskYjus

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.