Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Gaas oo Daahfuray Mashruuca Caafimaadka Aas-Aasiga ah ee Gobolada Bari iyo Gardafuul
    Somalia

    Madaxweyne Gaas oo Daahfuray Mashruuca Caafimaadka Aas-Aasiga ah ee Gobolada Bari iyo Gardafuul

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 17, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 September 2017 ku daah-furay magaalada Boosaaso mashruuca caafimaadka aasaasiga ah ee gobolada Bari iyo Gardafuu Puntland.

    Daah-furka Mashruucani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo madaxda kale ee Wasaaraddaasi, masuuliyiin ka tirsan golaha xukuumadda Puntland, masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Xubno ka socdey hay’adda UNICEF, Isimo, aqoon yahano, ururrada haweenka iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweynaha ayaa ugu horay bogaadiyey shaqooyinka lataaban karo ee ay Puntland ka qabteen Wasaaradda Cafimaadka iyo Madaxdeedu, waxaana uu xaqiijiyey in uu cad-yahay, muuqdona wax qabadka Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

    “Runtii waxaan rabaa marka hore inaan aad u bogaadiyo shaqada wanaagsan ee ay hayaan Wasaaradda Caafimaadka iyo madaxdeedu, way muuqataa waxay tahay Wasaaradda Caafimaadku, waxayna ka mid tahay Wasaaraddaha aanu kufaano oo si wanaagsan dalka uga shaqeeyey, dedaalka ay muujiyeen iyo isbedelka maanta ka muuqda Puntland dhanka Caafimaadka shaqaday ka qabteen aad bay u mahadsan yihiin” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay inay Wasaaradda Caafimaadku qabtaan shaqooyin dheeriya oo ay ka fuliyaan meelaha furimaha ah amase goobaha dagaalka, sida marka Puntland ay dhulkeeda ka difaacayso cadawgeeda cidda ugu horaysa ee tegaysaa goobtaasi waa wasaaradda Caafimaadka, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu ku bogaadiyey shaqooyinkaasi dheeriga ah ee ay u qabtaan dalkooda iyo dadkooda.

    “Waxaa dheer shaqada caadiga ah marka laga soo tago, dhib kasta oo timaadda, culay kastoo yimaadda oo dhanka nabad gelyada ahna qayb lixaadle bay ka qaataan, cidda ugu horaysa ee meeshaa tegaysaa oo aadaysaa waa Wasaaradda Caafimaadka, waan bogaadinayaa, waxaan leeyahay Hambalyo ( Congratulation) shahaadadii Abaarta iyo middii Al-shabaab ladirirkaba waa laydin siinayaa labadaba”ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in siyaasadda dawladdu ay tahay in qofkasta oo  Puntland  jooga Miyi, Tuulo, Magaalo, Buur iyo Banaanba in uu hello Caafimaad joogto ah, Waxbarasho, iyo jid aada meesha uu joogo, taasina ay tahay siyaasad iyo  daw  ay u sii jeexayso Xukuumadda uu hogaaminayaha ka yahay Madaxweynaha Dawladda Puntland, dawladdaha danbe ee Puntland qaban doona.

    Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyey hay’addaha bahwadaagta la ah Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee ka caawinaya qabsoomidda mashruucani aasaasiga ah ee laga hirgelinayo gobolada Bari iyo Gardafuu, waxaana uu sidoo kale ugu baaqay dhammaan shacabka Punltand in ay illaashadaan horumarka ka socda dalkooda, isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen qabsoomidda kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland ka socda, sida balaadhinta iyo dib u casriyaynta dekedda Boosaaso, garoomada diyaaradaha, jiddadka Caafimaadka, Waxbarashada iyo IWM.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa digniin adag u diray shakhsiyaadka carqaladaynaya mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, kuwaas oo muhiim u ah mustaqbalka shacabka iyo dawladda Puntland.

    =DHAMMAAD=

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.