Maxamed Yuusuf Tigey oo ka mid ahaa guddiga Taakuleynta heer Qaran ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu iska casilay xubinnadii guddiga, waxaana uu noqonayaa masโuulkii labaad ee isaga baxay guddiga tan iyo markii lagu dhawaaqay.
Waxaa uu sheegay in uu iska casilay xubinnimadii guddiga, kaddib markii uu arkay madax banaani laโaanta Guddiga, isku dheeli tirnaan iyo ixtiraam laโaan guddiga.
Tigey ayaa shalay ka mid ahaa xubnaha Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada oo kulan la qaatay Raโiisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada, ayaa bishii July, ee sanadkan waxaa ku dhawaaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya waxaana 48 saacadood kaddib markii guddigan lagu dhawaaqay isaga baxay Jen, Jaamac Maxamed Qaalib oo uu Madaxweynuhu u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga.
