Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yaa qorsheeyay burburkeeda,Maxaase loo burburinayaa Sudan?
    Somalia

    Yaa qorsheeyay burburkeeda,Maxaase loo burburinayaa Sudan?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 23, 2023Updated:April 23, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dagaalka Sudan waa mid ku qotoma dhaqaale iyo Siyaasad.

    Sudan waxay leedahay Milleteri aad udhisan dhan walba..

    1.Aqoon ahaan 5-10-kun oo ka mid ah Ciidanka,waxay udhaxeeyaan Master iyo PHD.

    2.Waxay leeyihiin barnaamijyo Cilmi baariseed iyo kuwo horumarineed (R&D).

    3.Tababar aad usareeya.

    4.Hubka iyo Qalabka ay ku hawlgalaan oo ay iyagu soo saartaan.

    5.Tiro ahaan oo ay sareeyaan.

    Dhaqaale ahaan way soo kobcaysay si ka dhex muuqata Afrika,gaar ahaan ka faa’idaysiga Beeraha ee Webiga Niil.

    Sidoo kale Dahabka iyo Yuraaniyamka,ayay dhoofintooda horumar weyn ka samaynaysay.

    Sida muuqata,waxa qorsheeyay burburinta Sudan Maraykanka,waxaana Raqdeeda kusoo yaacay Carabta Khaliijka iyo Ruushka oo faa’ido dhaqaale ka dhex arkay.

    Xogaha la helayo waxay tilmaamayaan in qorshuhu yahay…

    1.Sudan oo Milleteri ahaan Dhulka la dhigo.

    2.Sudan oo dhaqaale ahaan la burburiyo oo Dadka Aqoonta iyo dhaqaalaha leh ka yaacaan.

    3.Dhul ahaan in markale lakala jaro lagana soo dhex saaro Dal Sadexaad oo ah (Jamhuuriyada Daafuur).

    Shiinaha oo ah maalgashadaha ugu weyn Sudan,waa ka difaaci waayay kala qaybintii hore,xiligana waa badbaadin waayay Dowladnimadeeda,isagoo ah 85% Dalka qaata Saliideeda,taa badalkeeda,waxuu noqday mid Raqdeeda ka dhex raadiya fursad oo miiska soo saarta in si baqas ah uu ku qaato Saliideeda.

    Maraykanku,waxuu fushanayaa qorshayaal Wajiyo badan leh oo Sudan in la diciifiyo ay khasab unoqotay.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.