Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Videi:-Wararkii ugu danbeeyay ee Doorashada Turkiga
    Somalia

    Videi:-Wararkii ugu danbeeyay ee Doorashada Turkiga

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 14, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa socota tirinta codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacday dalka Turkiga, iyada oo ay haatan soo baxayso natiijooyinkii ugu horreeyey ee hordhaca ahaa, ka dib markii la tiriyey qaybo ka mida sanaadiiqda codbixinta.

    Sida ay baahinayaan wakaaladaha wararka iyo weliba hay’adaha warbaahinta ee dalka Turkigu, waxaa illaa haatan la tiriyey illaa 49% oo ka mida codadkii la dhiibtay.

    Natiijada hordhaca ah ee aan rasmiga ahayn ee ka soo baxaysa sanaadiiqda la tiriyey ayaa muujinaysa in Erdogan uu ka horreeyo musharaxa mucaaradka ee la tartamaya illaa 10%. Erdogan ayaa haysta 52% halka musharaxa ugu awoodda badan mucaaradka ee Kilicdaroglu uu haysto 42%.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in natiijooyinka hordhaca ah la filayey inuu ku hoggaamiyo Erdogan, maadaama ay badankoodu ka imanayaan deegaano uu ku xoog badan yahay Erdogan.

    Afar ilo wareed oo ka tirsan mucaaradka Turkiga oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Kilicdaroglu uu tiro aad u yar ku horreeyo.

    Weli waxaa dhiman codad aad u badan, kuwaas oo go’aamin doona natiijada rasmiga ah ee cidda ku guulaysanaysa doorashada madaxtinimada.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Erdogan supporters wait for him outside the ruling AKP HQ in Ankara pic.twitter.com/RVrJQhwbM6

    — Ragıp Soylu (@ragipsoylu) May 14, 2023

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.