Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xaafiiska Cabashooyinka gudaha Booliska Puntland oo la hirgeliyay
    Somalia

    Xaafiiska Cabashooyinka gudaha Booliska Puntland oo la hirgeliyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 3, 2023Updated:June 3, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliye ku-xigeenka 1aad Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Caydiid Axmed Nuur,ayaa ka qayb galay Kulan lagu shaacinayay hawl galinta Xaafiiska Cabashooyinka gudaha Ciidanka Booliska Puntland,ayaa ka qabsoomay qolka shirarka ee Taliska Ciidanka Boliiska Puntland ee Garoowe.

    Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliska, Hoggaanka Qorshaha iyo Tabobarada, Hoggaanka Nabadalkayada Waddooyinka, madax ka socota Degmada Garoowe, Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland, Qaybta iyo Saldhigga Bartaha Boliiska iyo dhamaan xubnaha Guddiga Cabashooyinka Ciidanka Boliska Puntland.

     

     

    Xafiiska Cabashoyinka Gudaha Ciidanka Boliska ayaa loo dhisay inay wax ka qabtaan cabashooyinka bulshadu qabto oo laga tirsanayo xafiisyada, Xubnaha iyo Xil hayayaasha ka tirsan Ciidanka Boliska, kadib markii la garawsaday inay jiraan qaybo ka mid ah Bulshada oo aan codkoodu gaari karin madaxda iyo mas’uuliyiintii ay ahayd inuu gaaro.

    Haddaba. Si wax looga qabto tacadiyada dhanka ka ah Bulshada ee laga tabanayo shaqada iyo xubnaha Ciidanka Boliska waxaa maanta oo taariikhdu tahay 03/06/2023 si buuxda loo hawl galiyey Xafiiska Guddiga Cabashooyinka Gudaha Ciidanka Boliska Puntland oo ka hawl gali doona Xarunta dhexe ee Taliska Guud ee Garoowe.

    FG. Waxaad si toos ah ugala xariiri kartaa 0907703768-0907264752-0905050088-0907746470.

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.