Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ukrain oo danaynaysa ku biirista Gaashaanbuurta Nato
    Somalia

    Ukrain oo danaynaysa ku biirista Gaashaanbuurta Nato

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 18, 2023Updated:June 18, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden,ayaa Sabtidii sheegay in aan maamulkiisu fududayn doonin jidka ay Ukraine ugu biirayso, isbahaysiga NATO, isaga oo xusay in dalkaasi looga baahan yahay inuu maro, hannaanka loo dejiyey, xubnaha cusub ee ku biiraya isbahaysiga milateri.

    Sida uu dhigayo, qorshaha loo dejiyey inay maraan Dalalka xubnaha ka noqonaya NATO, waxaa looga baahan yahay inay la yimaaddaan, dib u habayn milateri iyo nidaam dimoqraadi ah, ka hor inta aanay dalban xubinimada.

    Toddobaadkii hore ayay ahayd, markii masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Maraykanku, ay sheegeen inay diyaar u yihiin, in meesha laga saaro qaar ka mida shuruudaha ku xiran, xubinimada isbahaysiga NATO, si ay Ukraine ugu fududaato inay ku biirto isbahaysigaas.

    Hase ahaatee Biden,ayaa sheegay in shaqo badan ay u hadhsan tahay, si loo hubiyo in Ukraine ay ay awood u leedahay inay xidhiidhiso hawlaha ciidamada.

    Biden oo la weydiiyey Sabtidii in la fududaynayo jidka ku biiritaanka Ukraine ee NATO, ayaa ku jawaabay, maya, “sababtoo ah, waxaa looga baahan yahay inay la yimaaddan, shuruudaha looga baahan yahay dalalka kale, taasna waxba laga bedeli maayo.”

    Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Jimcihii ka digay khatarta ka dhalan karta, haddii Ukraine ay ku biirto NATO, taasoo keeni karta, inay horseeddo dagaal dhex mara Labada dhinac.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee G.Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Puntland Army killed more than 15 Terrorists Militant last two days

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee G.Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.